Uncategorized

Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Masuuliyada Qaska Ka Aloosan Golaha Wakiilada

Boorama 09.Feb 2014 (SDN)- Gudoomiye ku xukeenka 1aad ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed ayaa maanta xukuumaDda dusha uga tuuray eeda qaska iyo buuqa ka socda golaha wakiilada, waxana uu sheegay inay xukuumadu u badheedhay inay baal marto sharciyada.

WADANI-SEED-300x168Gudoomiye ku xigeenka oo arrimahaasi ka waramaya ayaa waxa uu yidhi “ Waxaad ogtihiin oo marag madoon ah in golahii aan doranay ee xeerdajinta maanta ciidan lagu wareejiyay oo ay xoog ku qabsatay xukuumadu, taasi waxa ay na tusaysaa in dumuqurayadii lagu kala dambeey ay meeshii ka baxday, isla markaana marxalado  badan oo uu soo maray dalku uu maanta ugu liito oo uu u baahan yahay badbaadin, hadii xeer dajinta iyo golaha wakiilada ay dawadu faraha kala bixi waydo, waxa aad arki doontaan in dalku gobolo u kala fadhiisto sida Somalia oo kale, hadii xukuumadu ilaalin waydo sharcigana axaabtu way ka maagi doontaa inay sharciga ilaaliso, marka aad u fiirsato cabudhinta saxaafada, iyo sida axsaabta loo beegsanayo, waxa ay ku tusaysaa in xukuumadu aanay taageero haysan”

 

Sidan waxa uu Gudoomiye ku xigeenku sheegay mar kuu ka qayb galay soo dhawayn Boorama loogu sameeyay Musharaxiinta jagada Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, waxana uu sheegay in axsaabta mucaaridka ahi ay maanta u midoobeen inay dalka badbaadiyaan mar hadii ay dawladii la doortay qar ka sii laalaado.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com