Uncategorized

Xisbiga UCID oo canbaareeyay qalalaasaha Gollaha Wakiilada iyo Hantida ku baxeysa

Hargeysa Feb 10,2014(SDN)-Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland ayaa war murtiyeed uu soo ssaray ku dalbaday in baaritaan lagu sameeyo Hantida ay Xukuumada Somaliland u isticmaaleyso wax ka bedelka Gollaha Wakiilada Somaliland.

Sidoo kale Xisbiga UCID waxa ay canbaareeyeen falal sharci burburin ah oo laga dhexwado gollaha Wakiilada Somaliland.

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafada loogu talogalay oo uu ku sexeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta UCID Yusuf Keyse Cabdilaahi waxaanu u qoraa sidan:

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid,Waxaa Cod Dheer Iyo Mid Hooseba Ku Canbaareynayaa Weerarka Qorsheysan Ee Madaxtooyadu Ku Hayso Golaha Sharci Dajinta Dalka

Waxaa Sidoo kale Xisbiga Ucid Uu Ka Xun Yahey Hantida Shacbiga Masaakiinta Ah Laga Soo Ururiyey  Ee Loo Adeegsanayo In Lagu Burburiyo Golahii Sharci Dajinta Dalka Isla Markaana Layskaga Horkeeno Shacbiga reer Somaliland

Xisbiga Ucid Waxaa Uu Golaha Wakiilada Ugu Baaqayaa In Gudi Dabagal Ah Loo Saaro Dhaqaalihii Wadada Ceerigaabo Loo Ururiyey, Gaar Ahaan Mushaharkii Ciidamada,Shaqaalaha Jamuuriydda Somaliland, Nusa Saacihii Ardeyda Iskuuladda, Waalidiinta Ardeyda Somaliland Iyo Cida Gacanta Ay Ugu Jirto

Sidoo Kale Xisbiga Ucid Waxaa Uu Uga Digayaa Hogaanka Policeka Somaliland In Ay Sifo Sharci Daro Ah Ku Galaan Golaha Wakiilada Isla Markaana Amar Khaldan Qaataan

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Cod dheer Ugu Sheegayaa Xukuumada Somaliland,Gaar Ahaan Madaxtooyadeena In indhaha Shacbigu Daawanayaan

Hab dhaqanka Foosha Xun Ee Ay Ku Tirtireyso Taariikhdii Hogaanadii Somaliland Lahaan Jireen Oo Ahaa Wadatashi,Ismaqal,Dulqaad Iyo Isu Tanaasul  Aan Sad Bursiisan Laheyn

XOGHAYAH WARFAAFINTA EE XISBIGA UCID
YUUSUF KAYSE A/LAHI