Uncategorized

Dhoolatuska Xirsi ee Wakiiladu Cirro uun kuma wejahna

Hargeysa Feb 10,2014(SDN)-Qalaalasaha hareyay gollaha Wakiilada Somaliland maalmihii u danbeeyay ayaa waxa si weyn ugu lug leh Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji oo hanjabaad ka soo bilaabay dalka UK.

Wasiirka aayaa maah maah halku dhig u noqotay qalalaasaha Wakiila”sanka caano ka keeni” ayaa waxa aaney ku socon uun Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro.

Sida laga warhayo waxaan isku saansaan banaaneyn Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Seylici.

Wasiir Xirsina waxa maahmaahdiisa ka mid aheyn in Guddoomiye Cirro la mid yahay ninkii caailadiisa ku legdinta bartay ee kolkii danbe sanka caanaha laga keenay.

Wasiir Xirsi ayaa la sheegay in uu dadka uu dhaliilayay uu u horeeyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Wasiirku waxa uu madaxweynaha u muujinayaa in masuulkii dalka looga sii tegay(Seylici)Cirro uu dibir kala daalay isla markaana uu yahay ruuxa qudha ee arinkaa wax ka qaban kara.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa hore isugu maandhaafay maroorsiga Xirsi ee awoodaha Madaxtooyada.

Layaabkuse waxa uu yahay in Cabdiraxmaan Seylici uu weli dhankiisa ka abaabulayo xildhibaano si aaney arintaasi aanu Xirsi ugu guuleysan.

Si kastaba ha ahaatee waxa maalmaha ina haya lagu kala calaf qaadi doonaa hogaanka Wakiilada oo fure u ahaan doonta in dalkani doorashooyinka madaxtooyadu dhacaan xiligii loogu talo galay iyo in kale.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com