Uncategorized

Tarzan”Waa in marka la qabto Shababaka dhagax lagu dilaa isla goobtaa,looma baahna in sharciga la horgeeyo”

Muqdisho Feb 13,2014(SDN)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur ayaa ciidamada iyo shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay Shabaabka ku dilaan halka ay ku arkaan ayna waxba xabsiyada u dirin.

Tarzan ayaa hadaladan ka sheegay mid ka mida kulamada amniga magaalada Muqdisho oo ka dhacay xaafada Hawlwadaag.

“Waa in Shabaab walba oo la qabto halkaa lagu khaarejiyaa oo aan waxba xabsiyada lageynin”sidaa waxa yiri Guddoomiye Tarzan.

“Waan marka la qabto Shababaka dhagax lagu dilaa isla goobtaa,looma baahna in sharciga la horgeeyo” ayuu guddoomiyuhu yiri mar kale.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale baaq u jeediyay shacabka Muqdisho oo uu uga dalbaday in ay gacan ka geysataan nabadeynta magaalada.

“Waxaan ugu baaqaya reer Muqdisho in ciidamada ay la soo socodsiiyaan goobaha ay ku dhuumaaleystaan Shabaabku,waa doorka shacabka aan ka dooneyno in ay ciyaaraan”. ayuu yiri Tarzan.

Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa noqday mid hadal heyntiisu Muqdisho heysatay saacadihii ina dhaafay.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews