Uncategorized

Afar Qof oo ku Naf Waayay Qarax Baabuur oo ka Dhacay Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho

Muqdisho 13.Feb 2014 (SDN)- Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar argagaxiso oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo ku qarxay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay soo Tebiyeen Weriyeyaal Goob Joog ahaa  ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda ay hareereeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu geystay qof isa soo miidaamiyay oo waday gaariga.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com