Uncategorized

Ra’isal Wasaare Cabdiweli oo lagu wado inuu maanta la kulmo madaxda Isu-tagga Imaaraadka

Dubai 02.March 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu-Dabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

RW-Cabdiweli-Imaaraadka-Carabta-300x200Raysul wasaaraha ayaa madaxda kala hadli doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa arrimaha siyaasadda, dib u dhiska, garsoorka iyo amniga.

Cabdiweli ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sheekh  Xasan Xaamud, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Booqashada wafdiga ayaa qaadan doonta saddex maalmood oo ka billaabanaysa maanta.

Dubai SDN.

Qurbejoog.com