Uncategorized

Ukraine oo ciidamadeeda heegan la galiyay iyo Ruushka oo isku diyaarinaya in uu qabsado gebi ahaanba dalkaasi

Kiev Mar 03,2014(SDN)-Ciidamada dalka Ukrain ayaa la geliyay heegan ka dib kolkii ay soo baxday suurto gal nimada in ciidamada Ruusha ee dalkaa galay ay isku balaariyaan dhul dheeri ah.

Ciidamo Ruusha ayaa lagu arkay gobolka Crimea ee dalka Ukraine maalmo ka hor iyada oo dalkaasi uu hareeyay qalalaase siyaasadeed.

Mareykanka ayaa sheegay in tilaabada ruushku qaaday aaney ku koobneyn faro gelin ciidan ee uu haatan u bareeray qabsashada dalkaasi.

Mareykanka ayaa sheegay in Ruushku haatan Crimea u diray ciidamo tiradoodu ay ka badan yihiin 6000 oo askari.

Dawlada Ukraine ayaa sheegtay in caalamka ay ka sugeyso kaalmo isla markaana guddoomiyeyaal cusub u magacawday golka Crimea ka dib kolkii masuuliyiintii gobolkaasi la safteen Ruushka.

Raiisul wasaaraha Ukraine Arseniy Yatsenyuk sheegay in qarka masiibo u saaran yihiin isla markaana caalamka laga doonayo in ay gacan ka geystaan difaaca madax banaanida Ukraine.

Ruusha ayaa ka diday isbedelo dimuqraadiyadeed oo reer Galbeedku ka wadeen Ukraine ka dibna faro gelin ciidan ku sameeyay.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com