Uncategorized

Ciidamo Hoos Tagi Doona Qaramada Midoobay Oo Dhawaan Muqdisho La Geyn Doona

Kampala:03-March-2014 (SDN)-Sida ay Saraakiil ka Tirsan Dawladda Uganda u sheegeen Warbaahinta Maraykanka  waxa lagu wadaa inay Dhawaan Tiro kooban oo ciidan ah, kana Socda Dalka Ugaanda  ay Gaadhaan  Dalka Somalia.

qrTirada Ciidankan ayaa lagu Sheegay ilaa 410-Askari, waxana ay si gaar ah uga Hawlgeli doonaan Goobo gaar ah oo ku yaalla Muqdisho, iyagoo Hoos Tegi doona Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda, ayaa sheegay in Ciidamadan ay noqonayaan noocoodii ugu horeeyay, oo loo daabulo Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ciidamadan aaney ku biiri doonin howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin ay hoostaggi doonaan Taliska AMISOM ee Xalane.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha sababay in ciidamadan loo daad gureeyo Soomaaliya, ayaa wuxuu ku sheegay dalab kaga yimaaday dhinaca dowladda Soomaaliya, taasina ay keentay in Hawshan cusub laga Fikiro.

Sarkaalkan, ayaa xusay in dalabkaan uu ka dambeeyay markii weerar ismiidaamin ah uu Khamiistii ka dhacay maqaaxi ku taala wadada Fiat, oo ku dhow hey’adda sirdoonka Soomaaliya.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee ka qayb qaadanaya howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Lama Garan karo waxa ay Ammaanka Muqdisho ka Tari doonaan Tiradan Kooban ee ciidanka ahi, balse waxa la Hadal Hayaa Siyaasadda ka dambaysa in Somalia la Geeyo Ciidan si Toos u hoos Tegi doona Qaramada Midoobay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com