Hargeysa:10-March-2014(SDN)-Dhallinyaradii tartanka ugu jirtey boosaskii ka Bannaanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ee shalay horraantoodii u fadhiisatay imtixaanka ayaa la Gudo galay sixitaankooda.
Sixitaanka Imtixaankan ayaa bilaabmay isla-shalay gelintii dambe, waxana gacanta ku haya oo saxaya Saraakiil sare oo ka kala socda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Sida ay sheegayaa wararka ay helayso Qurbejoog.com, waxa sixitaanka la waday ilaa iyo xalay Tobankii Habeenimo, iyadoo saakana halkii laga sii amba qaadi doono, waxana lagu wadaa in ugu dambayn ilaa iyo berr la soo Gebogebayn doono.
Sidoo kale waxa iyaguna maanta Imtixaanka Gelaya hormo kale oo ka tirsan kooxdii boosaskan soo codsatay, kuwaas oo iyagana isla gelinka dambe ee Maanta lagu wado in sixitaankooda la bilaabo.
Sixitaanka imtixaankan oo ay galeen tiro aad u faro badan oo ka tirsan dhallinyarada Somaliland ayaa si weyn looga dareemayey Hoolalka kala duwan ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda, waxana muuqanaysay in si taxadar leh loo waday hayshan, iyadoo ay hawlwadeenada arrintan loo xilsaaray si weyn iska xilsaareen inay caddaaladda ku dhawaadaan.
Wariye ka tirsan Qurbejoog.com oo xalay tegay Goobta imtixaanka lagu saxayo ayaa indhihiisa ku soo arkay qaab hufan oo loo saxayo imtixaanka, waxana uu xaqiijiyey in saraakiisha ugu sarraysa Hay’adda Shaqaalaha gaar ahaan Guddoomiye-ku-xigeenku uu gacantiisa kaga qayb qaadanayey sixitaanka, isagoo ilaalinayey caddaaladda dadka dhexdiisa ah.
Sida la filayo imtixaankan oo isku dhan ayaa la filayaa in cidda guulaysata la soo dhejin doono ugu dambayn maalinta Khamiista ah ee foodda inagu soo Haysa Haddii eebe yidhaahdo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
