Uncategorized

Xukuumada Somaliland oo Jawaab ka Bixisay Sheegashadii Punt land iyo Hanjabaadeedii ee Magaalada Laasqoray

Hargaysa 17.March 2014 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay wasiir ka tirsan maamul goboleedka  Soomaaliyeed ee Puntland,kaasi oo booqashadii uu ku tegay degmadda Laasqoray madaxweynaha Somaliladn iyo weftiga uu hogaaminayaa in ay u arkaan daan-daansi iyo ku xad-gudub xuduudahooda ah.

Cukuse2Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland Md. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ka mid ah weftiga madaxweynaha oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyskaDAWAN, isaga oo joogay magaaladda Ceerigaabo, ayaa ku tilmaamay sheegashadda Puntland ee degmadda Laasqoray inay tahay mid aan jawaab u baahnayn, isla markaana Laasqoray ay ka mid tahay degmooyinka ugu da’da weyn Somaliland marka laga soo bilaabo xiligii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Ingiriiska.

Waxaanu sheegay Wasiir Cukuse in xuduudaha ay Somaliland leedahay aanay wax muran ah geli karin, degmadda Laasqorayna ay ka mid tahay Somaliland.waxaanu yidhi “Waxyaabaha qaar aan jawaaba u baahnayn oo ay jawaabtoodu iska cadahay aya jira, qofku waxa uu afkiisa ka odhanayo isaga ayay jirtaa, laakiin waxaa run ah oo aanu muran ku jirin in ay degmadda Laasqoray ka mid tahay degmooyinka ugu da’dda weyn Somaliland, oo ilaa xiligii Ingiirska uu madax-banaanida ka qaatay, xuduudaha dalkanina (Somaliland) wax muran gelaya ma aha”.

C/laahi Cukuse, waxa kale oo uu sheegay inay Puntland u aqoonsan yihiin maamul ka tirsan ama hoos taga dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana dawladda Soomaaliya ay u socdaan wadahadallo, iyada oo waxyaabihii la is-kula afgartay bilawgii wadahadaladaasina ay ka mid ahaayeen in mudadda ay socdaan laga ilaaliya wixii turxaan keenaya, sidaas darteedna ay Puntland u tixgelinayaan in ay ka mid tahay Soomaaliya.

“Puntland waa dad aanu jaar nahay, waa na maamul goboleed ka mid ah Soomaaliya, Soomaaliyana waxaa noo dhexeeya xidhiidh wadahadal ah, wadahadaladaasi oo meelo kala duwan ka dhacay dhawr jeer, waxyaabaha la isla afgartay kuwoodii ugu horeeyay, waxaa ka mid ahayd in mudadda ay wadahadaldu socdaan in labbadda dhinacba ay ilaaliyaan waxyaabaha carqaladda ku keeni kara wadahaladaasi, markaa inta ay wadahadaladaasi dhinac u dhacayaan waa in laga ilaaliyaa wixii khilaaf ah” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay maamul goboleedka Puntland in ay farro-gelinta ka daayaan deegaamadani, isla markaana ay ilaaliyaan deris wanaaga iyo nabadgeliyadda dadka waxaanu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa maamulka Puntland in ay farro-farayntaasi ka daayaan deegaamadani, in ay deris wanaaga ilaaliyaan, oo sida aanu nabadda u ilaalino iyaguna u ilaaliyaan, Annagu (Somaliland) waxaanu in badan dhinacayaga xeerinaa, jaarnimadda, nabadda, baahida ay dadkayaga deegaamadaasi ku nooli ay u qabaan in ay horumarka la qaybsadaan dadka intiisa kale, laakiin Puntland way farro-faraysaa meelahaasi, waxaananu uga gaabsanaa oo aanu dib uga fadhiisanaa lexejecladda aanu dadkayaga iyo dalkayaga ka qabno, oo aanu diidayno in lagu dul dagaalamo”.

isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Maamul noo jooga Laasqoray ayaa jirra, oo shicibkayagii ah, oo dhulkayagii ah, haddii uu leeyahay Wasiirka Puntland ee aad sheegaysaa na ciidan ayaan halkaasi u diray waa khalad, dal aanad lahayn, dhul aanad lahayn, deegaan aanad lahayn, sabab inta aad xuduudka uga soo gudubto ciidamo u keentaana jiraan, wax aanu anagu ilaa hadda ka og-nahayna ma jiraan”.

si kastaba ha ahaatee hadalkan wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa imanaya ka dib markii asiirka warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, uu sheegay in Puntland socdaalkaasi madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay ku tageen Laasqoray ay u aragto daan-daansi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com