Uncategorized

Haweenaydii Kowaad ee Xildhibaan ka ahayd Golaha Deegaanka ee Laascaanood oo Is Casishay

Laascaanood 17.March 2014 (SDN)- Xildhibaan istaahil Maxamud Aaden oo ka tirsanayd Golaha Deegaanka Laas Caanood ayaa iska Casishay Xilkii ay ka haysay Golahaasi, iyadoo is casilaadeeda ku sababaysay Arimo Waxbarasho inay u baxayso .

Xildhibaan istaahil ayaa noqonaysa Xildhibaankii ugu Horeeyey ee iskeed iskag C asisha Xilkii loo doortay halka laba xildhibaan oo ka horeeyey ay u diga rogteen dhinaca Puntland. Golaha Deegaanka Laascaanood ayay xildhibaanadoodu Cabasho badan ka muujiyeen Nidaamkooda maamul waxayna markasta ku doodaan Cabashooyin ay ka soo gudbiyeen Maayarkooda oo aan wax fadhiyo ah u qaban golahooda in Wasaarada Arimaha Guduhu waxba ka qaban wayday.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com