Uncategorized

Xisbiga Kulmiye oo Mar kale la Rajaynayo in Dib loo dhigo Qabsoomida Shirweynihiisii Mudo dhaafay ee Sadexaad

Hargaysa 17.March 2014 (SDN)- Xisbiga Kulmiye ayaa dib u dhigaya shirweynihiisa maalmo kooban iyadoo lagu beegi doono soo noqoshada Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo qabsoomida shirka aan looga maarmayn.

Illaa hada Xisbiga Kulmiye sooma saarin wakhtiga uu dib u dhigayo shirka hase yeeshee waxa la hadal hayaa muddo toddobaad ah in uu dib u dhici doono, iyadoo isla markaana mudadaas Ergooyinka shirweynuhu ku soo xeroon doonaan Caasimadda.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawrkii jeer ee hore ee shirweynuhu dib u dhacay ku cel celiyey in ay sabab u ahaayeen safari Madaxweyne Siilaano dalka dibadiisa ugu baxay, isagoo ku af-gobaadsaday in aan Madaxweynaha oo Mus-danbeedka xisbiga ah looga maarmayn qabsoomida shirka.

U diyaar garawga shirweynaha ayaa meel dhexe maraya, waxaana wali lagu hawlan yahay sidii Ergooyinka iyo xubnaha guddida fulinta loo magacaabi lahaa, waxaana taas bar bar socota qaban qaabada kale ee shirka.

Illaa sagaal boqol iyo kow iyo afartan Xubnood ayaa lagau wadaa in ay ka soo xaadiri doonaan shirweynaha Xisbiga kaasoo ka dhici doona Hotelka Maansoor.

Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin badan oo xisbiga ah ayaa ku jira socdaal ay ku marayaan Goboladda Dalka, waxaana mudada ay maqan yihiin Xisbigu ka sii faa’iidaysan doonaa qabyo tirka hawlaha Xisbiga.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com