Uncategorized

Todoba Qof oo Ku Dhintay Qarax Gaadhi oo Maanta ka Dhacay Buulo Burte iyo Alshabaab oo Sheegatay

Buulo Burte 18.March 2014 (SDN)- Qarax loo adeegsaday gaari iyo weerar fool-ka-fool ah ayaa aroortii hore ee maanta ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, waxaana ku dhimatay toddobo qof, afar kalena waa ay ku dhaawacantay.

Qarax-gaari-300x194Dad dhintay waxaa ku jira abaanduulihii guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, Kornayl Maxamed Aamiin, afar askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nooca xaajiyadda loo yaqaanno oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay afaafka hore ee hoteelka lagu magacaabo Camalow oo ay ku sugnaayeen ciidamo isku-dhaf oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM. Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa qaraxa kaddib waxay rasaas xooggan is-waydaarsadeen ciidanka dowladda ee ku sugnaa halkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda federaalka  ayaa sheegay inay weerarka ku dileen dhowr iyo toban ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ee ku lugta lahayd weerarka.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa Khamiistii la soo dhaafay ka qabsaday maleeshiyada Al-Shabaab magaalada Buulo-burte.

Magaalada waxay 200 km dhinaca waqooyi uga beegan tahay magaalada Muqdisho. AMISOM ayaa guul wayn ku tilmaamtay qabsashadeeda maadaama ay saldhig u ahayd boqollaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Buulo Burde SDN.

Qurbejoog.com