Uncategorized

Dawlada Kenya oo Dalkeeda ka Masaafurisay Sadex eedaysane oo lala Xidhiidhiyay Alshabab

Nairobi 18.March 2014 (SDN)- Kenya ayaa u masaafurisay dalka Belgium saddex nin oo ajnebi ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka bar-bar dagaallameen kooxda Al-Shabaab.

qqqqqqqqqqNimanka oo kala ah Mustapha Bouyabaren oo u dhashay Belgium, Rachid Benomari oo Faransiis ah iyo Mohamed Said oo Algerian ah ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago dalka Belgium, sida ay sheegeen ilo dibloomaasiyadeed.

Waxay ku xirnaayeen dalka Kenya tan iyo bishii July ee sanadkii 2013 kaddib markii ay qirteen inay si sharci darro ah ku galeen Kenya.

Nimanka ayaa la rumeysan yahay inay ka soo galeen Kenya dhinaca Soomaaliya, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ka waddo dagaal ay ku dooneyso inay ku afgambiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Sanadihii ugu dambeeyay, Tobonnaan qof oo ajnebi ah ayaa ka gudbay Kenya, iyagoo galay Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab. Balse howlgallada milateri ee ay wadaan ciidanka dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa sababay inay qaar  ka tirsan shisheeyaha xubnaha ka ah kooxda ay ka cararaan dalka.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com