Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Soo booqday dhaawacyadii qaraxii Buulo-burte oo la Dhigay Cisbitaal Xalane ee Muqdisho

Muqdisho 18.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta isbitaalka Xalane ee magaalada Muqdisho ku booqday askartii ku dhaawacantay qaraxii saakay ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha-booqasho-dhaawacyo-Xalane-300x199Madaxweynaha oo booqashada kaddib ka war-bixiyay xaaladdii uu ku arkay dhaawacyada ayaa sheegay inay xaaladdooda ka soo reyneyso, in kastoo uu xusay inay jiraan askar qabta dhaawacyo halis ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dibadda caafimaad ugu qaadi doonto dadka dhaawaca ah ee ay xaaladdoodu daran tahay.

Wuxuu shacabka u soo jeediyay in ay dowladda gacan ka siiyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si guul loo gaaro.

Askarta dhaawaca ah ayaa isugu jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com