waxaan jecelaystay inaan ka jawaabo maqaalo dhowr ah oo ka soo yeedhaayey dad madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye ka ag dhow oo is weydiinaayey sababta ay Mucaaridka Somaliland u Hanbalyeenwaayeen Madaxweyne Siilaanyo safarkiisan uu xataa ilaa Laasqoray ku tegay.
Haddaba nimankii maqaaladaasi kala wareejinaayey waxaan leeyahay sababta ay u tahniyadeeyn waayeen waxay tahay;
1. Horta qofka shaqadiisa laguma amaano; ileyn waa tii loo doortay inuu dalka booqdo; mida kale waaba habsan bay leeyahiin oo 4 sanno ayuu joogaye maxaa sanadkii ugu danbeeyey uu u toosay. Xagee buu ku maqnaa?
2. Safar daacadnimo oo dadka wax loogu qabto muu ahayne mid campaign ah ayuu ahaa oo uu Siilaanyo dadka wax kaga doonayo.
3. Mucaaridku wuxuu leeyahay sidee baan u hanbalyeeyaa ninkii isaguba mucaaridka ka hor istaagaayey inay goboladda booqdaan oo sharciga jebinaayey; Masalaha nimaan ii dhigeyn uma muraad yeesho weeyi xaalkoodu. Siilaanyo hadduu ixtiraam ka rabo mucaaridka horta bal isagu dib ha u eeggo Badhasaabadda Guulwadayaasha ah, iyo xaq daradda iyo cabudhiska uu ka hayo mucaaridka. Adeer siday mucaaridku u hanbalyeeyaan nimaan iyagii xataa ixtiraam iyo Milgihii dastuurku siiyey ka duudsinaya oo sameeynaaya wixii uu shalay ka qaylyaayey.
5. Safarkaa intaa leeg uu ku maray kulli wadda dhagax dhigis beena ayuu ahaa oo indho sarcaad ah; alleyle 6 km oo Dilla ilaa Boorama ah mooyee oo iyadana 4 sanadood lala baryaayey. Safarkuba dhagax dhigis beena ah ayuu ahaaye sideebaa la tahniyadeeyaan.
6. Xataa UN tii ayaa amaani weyday wax qabadankan uu Siilaanyo sheeganayo oo nabadda iyo xasiloonidda rag horaa ka soo shaqeeyey intuu waddanka qabsaday Buuhoodle ayaa inaga go’day. Mida kale Mucaaridkii xaqoodii reportkii UNta ayaa Siilaanyo lagu sheegay inuu haddana isku dayey inuu musharaxiintii UCID safarkooddii laysku dayey in Burco laysku hort istaago ee suurtoobi waayey, dalka isku dhac balaadhan iyo dagaal sokeeye ayuu ka abuuri gaadhay. Markaa caalamkii baa xataa og hawadda beenta ah.
7. Siilaanyo qandaraasyaddii wadooyinka shirkado reerkiisa ah ayuu siiyey oo eex, qabyaalad, iyo xatooyo ayuu isku darsaday.
8. Lacagtii faraha badneyd ee qurbo joogga laga soo ururiyey iyo shaqaalaha dawladda ee waddada Ceerigaabo waa la lunsaday, oo nusasaacihii ardayda.
9. Siilaanyo isagaba si sharaf leh ayaa loo doortee muxuu ugu cagojugleeynayaa oo uu mucaaridka xaqooda uga duudsinayaa.
10. Siilaanyo waa nin sharaxan haddana khiyaameynaya beelahii taageeray ee uu la galay balanta.
11. Waa nin weyn oo xanuuno badan leh dalkana aan ka talinayenin 4 tii sanadood imikaana la rabaa in indho-sarcaad laynoo dhigo inuu xoog yahay oo dalka ka taliyo.
12. Ku takri-falidda hantidda qaranka ee safarka oo aan ahayn mid saliim ah oo aan loo baahneyn. sidee baa 29 Land-cruizer laysku daba dhigi karaa; kharashka ku baxaya inagama go, markaa safar ay mucaaridku taageeri karaan maaha.
13. waxay mucaaridku u arkaan inuu yahay canjilaad ama ku dayasho safaraddii goboladda ee Musharaxiinta Madaxtinimo ee xisbiga UCID iyo waftigeey hogaaminayeen;ku marayeen qaar ka mid ah goboladda dalka iyo safaraddii dibadda ee Gudoomiyaha Baarlamaanka ku maraayey dhulalka Carabta, iyo kii Gudoomiyaha UCID ku maraayey geeska Africa.
Axmed Weli faarax
Hargeisa, Somaliland
