Uncategorized

Sadex Sannadood Sidee Wax Loo Qabtay?

Tan iyo markii lagu dhawaaqay madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland 18-5-1991 kii waxa uu dalkeenu ka soo doogay marxalado kala duwan oo mid waliba lahayd waayo u gaar ah.

Sadex iyo labaatan sannadood ayaa haatan laga joogaa wakhtigii gooni isu taaga Somaliland. Madaxweynaha maanta talada haya mudane Siilaanyo waa hogaamiyihii afraad ee majaraha u qabta wadankan aan wali ictiraafka ka helin dunida.

Waxa hore hogaanka u soo qabtay sadex madaxweyne mid walibana waxa uu taariikhda Somaliland ku leeyahay waxyaabo lagu xasuusan doono.

Sidaasi darteed waxa haboon in kolba hogaanka talada haya aan ku qiimeyno sida ay u shaqeynayaan waxyaalaha ay qabteen dedaalka ay la yimaadeen iyo howlaha ay dhameeyeen iyadoo loo eegayo .mudada ay shaqeeyeen. Taas ayaan ku ogaan karnaa waxa la qabtay iyo waxa aan la qaban iyo in hogaankii aynu dooranay u adeegay bulshada iyo horumarka wadankaba.

 

Dhinaca kale nadaamka haatan dalka ka jira ee mudane Siilaanyo madaxda ka yahay waxaan arkaynaa oo aan la qarin karin in ay la yimaadeen waxqabad iyo dedaal dhab ah oo ay ku dhisayaan kaabayaashii dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah. Marka aad eegto hindiseyaasha iyo mashaariicda ay fulinayaan waxa kuu soo baxaysa in xoogga la saaray dardargalinta dhaqaalaha iyo horumarka.

Waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa dhismaha wadooyinka kala duwan ee gaadiidka iyadoo qaarna dib u dhis ama dib u habeyn lagu sameynayo halka kuwo kale oo cusubna la bilaabay. Taas oo noqotay xaajo ugub ku ah taariikhda Somaliland waana tijaabo wanaagsan.

Waxa sidoo kale la casriyeeyay dhamaan dhismayaashii xarumaha dowlada oo laga dhigay kuwo haybad leh oo bilicdooda la daawado. Waxa la kordhiyay daryeelkii shaqaalaha iyo ciidamada, darajooyinkiina waa loo sameeyay ciidamada kala duwan.

Waxa la horumariyay airport-yadii dalka oo aan dayactir iyo balaadhin helin mudo dheer oo haatan ku dhow nusqarni. Waxa intaa dheer in dekado balaadhin iyo dhagax dhog loo sameeyay.

Dhamaan wax qabadyadaasi ma aha kutiri kuteen ee waa wax ay marqaati ka yihiin indhaha dadweynuhu waana wax fiican.

Dareenada shacabka ee waxqabadyadan xawliga ah ayaa noqday kuwo soo jiidanaaya quluubtii dadweynaha iyaga oo ku bogaadiyay xukuumada dedaalka iyo shaqada baaxada leh ee ay dadka tuseen.

Isku soo wada duuboo waxa muuqata in xukuumadani maamuladii ka horeeyay oo iyagu ku ekaa amaanka iyo nabadgalyada ay kaga duwanaatay horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha maamul wanaaga.

 

Waxaa xusid mudan in mudada mashaariicdaasi lagu fuliyay oo ah mid kooban oo sadex sanadood ah. Taas oo aan odhan karno waa saddex sano oo ka waxqabad badan toban sanno.

Waxa aan qormadeyda ku soo gabogabeenayaa waa la dhaafay qabyaalad iyo qudhunkeed. Waxa la gaadhay wakhtigii la xisaabtan iyo waxqabad la isku qiimeyn lahaa. Dowladana waxa looga fadhiyaa dedaalka ay sameeyeen iyo mid ka sii badan. Si ay u kasbadaan taageerada iyo kalsoonida shacabka iyo codkooda oo ay  marlabaad ku soo doortaan.

ALLAA MAHAD LEH

Sakaria Abdi Sulub

Freelance Journalist