Uncategorized

Weerarkii Buullo-burde Oo La Ogaaday Inuu Fuliyey Ninkii Shabaabka Ugu Da’da Weynaa

Beledweyne:19-March-2014 (SDN)-Wararka ka soo Baxaya Weerarkii Kooxda Al-shabaab ku qaadeen Huteelka ku yaalla Magaalada Buule Burde, ayaa sheegaya in La Aqoonsaday Shakhsigii sida gaarka ah weerarka lagu laayey Saraakiisha u fuliyey.

buuloCidda Weerarkaas fulisay, ayaa lagu sheegay nin Hore uga yimi Dalka Norway oo in Muddo ah ku jirey Kooxda Alshabaab kaas Oo Magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Axmed.

Cabdilaahi Axmed oo Shabaabka Dhexdiisa Looga Yaqaanay Xabiib Al-muhaahir, ayaa Da’diisa Lagu sheegay 60-jir, waxana uu hore uga  Qayb galay Dagaallo ay Kooxdu la Gashay Dawaladda Xasan Sheekh.

Cabdilaahi Axmed ayaa la Sheegay inuu Hormood u ahaa Koox Isa Soo Miinaysay oo Gudaha u gashay Hutelka lagu Laayey Saraakiisha iskugu jira AMISOM iyo ciidanka Somalia iyagoo tiro kalena Halkaas ku dhaawacay.

Illaa hadda dadka ku dhintay weerarkan ayaa tiradooda mareysaa 20 ruux oo ay ku jiraan askar iyo saraakiil Soomaali iyo Jabuutiyaan ah.

Warkan ayaa si weyn looga Hadal hayaa dhammaanba Somalia, waxana Shacabku si weyn u lafa Gurayaan Sida uu Ninkaas Da’da ahi u fuliyey Weerarkaas.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com