Muqdisho:19-March-2014(SDN)-Xasan Maxamed Saleebaan Tubeec oo uu dhalay Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhawaan Lagu Aasay Magaalada Muqdisho, ayaa Faahfaahiyey Kulan Baroordiiq ah oo Habeenkii xalay ay Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsani ugu sameeyeen Muqdisho.
Xasan oo la Hadlayey Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in loo Ballan qaaday in si degdeg ah loo sameeyo Wax taariikhda Gala Oo Lagu Xasuusto Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan.
Wiilka uu Dhalay Maxamed Saleebaan ayaan si rasmi ah usheegin wax ay noqon doonto Xusuusta Loo samayn Doono Aabihii, waxase uu sheegay inay Haystaan Ballanqaadkaas.
Fannaankii weynaa ee Boqorka Codka Somaliyeed Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa dhawaan ku Geeriyooday Dalka Jarmalka, waxana Lagu Aasay Magaalada Muqdisho, iyadoo Dawladda Federalka ahina ay si weyn iskaga Xil saartay qabanqaabada Aaskiisa, waxana Middaas Xigtay Ballanqaadkan Cusub ee Loo Sameeyey Ehelka Marxuumka oo ah in Xusuus Loo Samayn Doono.
S.D.N
