Laascaanood 19.March 2014 (SDN)- Fadeexado musuqmaasuq iyo maamul xumo ayaa hadheeyay xafiiska kastamka magaaladda Laascaanood l, kaasi oo ka dhashay awooda maamulka maaliyadda ee gobolkaasi oo gacanta ugu jira qof qudha oo ah isku duwaha wasaaradda maaliyadda gobolka Sool iyo maamulaha Kastamka magaaladaas C/Raxmaan Koosafaarre.
Ilo-xog ogaal ah ayaa shabakadda wararka ee Gudgudenews.com u xaqiijiyay in maalin kasta kastamka Laascaanood ay yimaadaan laba Baabuur oo qaad sida oo midkiiba laga qaado min 300 oo dollar, lacagtaasi oo aan ku dhicin qasnadda dawladda.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in maalin kasta ay magaaladda Laascaanood timaado booyad weyn oo shiidaal oo ay leeyihiin shirkadda Ilma Bootaan Dhakaar, taasi oo laga qaado 350 Dollar, hase yeeshee aanay qasnadda dawladda waxba looga xarayn.
Waxa kale oo shabakadda Gudgudnews loo xaqiijiyay in shan lix baabuur oo badeecado ganacsi u qaada magaaladda Buuhoodle ay maamulka kastamka Laascaanood ka qaadaan 200 oo dollar midkiiba, hase yeeshee waxa dawladda loo xareeyaa 60.000/SLsh ah.
Sidoo kale waxa magaaladda Laascaanood maalin dhaaf u timaada diyaarad laga qaado 500 Dollar, hase yeeshee qasnadda dawladda dhexe lagu xareeyo hal milyan oo shilin oo kaliya.
Waxa fadeexadaha maamul xumo ee ka jirta kastamka magaaladda Laascaanood ka mid ah in ay magaaladda ku sugan yihiin Gaadiid badan oo ka yimaadda dhinaca Puntland oo ku dhex socda cashuur la’aan.
Mushkiladda ugu darran ee ka jirta kastamkaas ayaa la sheegay inay tahay in Isku-duwaha wasaaradda maaliyadda ahna maamulaha kastamka Laascaanood uu wiil uu dhalay oo dhalinyaro ah ka dhigtay qasnajiga kastamka Laas-caanood.
Maamul xumadda iyo fadeexadaha musuq ee hadheeyay kastamka Laascaanood ayaa la sheegay in bud-dhigeedu yahay C/Raxmaan Koosafaare oo isku haysta maamulaha Kastamka iyo iskuduwaha wasaaradda maaliyadda ee gobolka Sool oo ah xilkii ilaalin lahaa ee toosin lahaa khaladaadka maamul ee galla kastamkaasi.
Laascaanood SDN.
Qurbejoog.com
