Hargaysa 23.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday 23/03.2014, Magaalada Burco.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir muhiim ah oo ka baxay gobolka togdheer iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.
Marxuunka ayaa Beri 1da Duhurnimo lagu aasi doonaa Magaalada Burco.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
