Uncategorized

Ismaandhaaf u dhexeeya Wasaarada Maaliyada iyo Baanka Dhexe oo Sababay in Wasaaradu Baanka Dhigi Weydo Dekhligeedii

Hargaysa 23.March 2014 (SDN)- Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta iyo shalayba lacagihii ay ku qabatay Kastamada Dekedda Berbera iyo Kalabaydh ka joojisay in ay ku shubto Baanka Dhexe oo si maalinle ah loogu shubi jiray.

baanka somalilandWasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo Baanka Dhexe midkoodna kamuu hadal illaa hada sababta dhalisay in lagu xarayn waayo lacagihii ka soo baxayey cashuuraha lagu qabto Kastamada Dalka, hase yeeshee sida muuqata wax aka dhex taagan khilaaf dhinaca Maamulka ah.

Baanka Dhexe oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino wuu ka gaabsaday, wasaaradda maaliyadda oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintana wali noomay suurtogalin, hase yeeshee sida wararka aanu ku helayno Dakhligii shalay ee Kastamka Berbera iyo kii maanta ee Kalabaydh iyo Berbera midkoodna laguma xarayn Baanka, waxaanay lacagahaasi wali yaalaan Kastamada labada magaalo.

Ilo wareedyo u dhuun daloola Baanaka Dhexe iyo Maaliyadda ayaa  xaqiijiyey in ay labada Hay’adood isku maan-dhaafsan yihiin Sicir bararka iyo Sarrifka lacagaha sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo mid waliba dhinaceeda u Iib-gaynayso in ay wax ka qabanayso, taasoo keentay in Maaliyaddu xanibto shilling Somaliland-ka ay hayso si lacagta adag u jabot, halka Baankuna ku doodayo in uu isagu Sarrifka jabinayo, isagoo Suuqa lacag shilling Somaliland ah ku sii daayey.

Sidoo kale, waxa jira xur-gufo hoose oo aan la garan halka ay salka ku hayaan, kuwaas oo u dhaxeeya Baanka iyo wasaaradda maaliyadda iyagoo Xurgufahaasi saameeyeen Ganacsatadii lacaguhu u yaaleen Baanka ama alaabaha ka soo cashuuran lahaa Kastamada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com