Uncategorized

“Waxaa nasiib darro ah Cisbitaalka Guud ee Caasimada oo 200 Mt Madaxtooyada u jira in maanta dadku laydh la’aan ugu dhimanayaan” Xisbiga Waddani

Hargaysa 06.April 2014 (SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Si ba’an uga Dayriyay Nolosha Bulshada oo ay la soo deristay Xaalado Saamayn taban ku yeelan kara Nolosha iyo Nabadgalyada Isla markaana Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta baahiyaha bulshada.

Axmed-Muumin-SeedXisbiga Waddani waxa uu Sheegay In Cisbitaalo ku yaala Magaalooyin waaweyn oo dalka ahi albaabada loo Xidhay waxaa kale oo uu ayaan daro ku tilmaamay in Cisbitaalka Guud ee Caasimada oo Masaafo yar u jira Qasriga Madaxtooyada Somaliland ay Maanta Bilaa Laydh ugu dhimanayaan Bukaanada ku Jira.

Waxaa Sidaa lagu Sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray  Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ana Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Md, Axmed Muumin Seed kaas oo u dhigan

Xisbiga WADDANI waxa uu  aad uga walaacsan yahay xaalada addag ee ay ku sugan yihiin dadwaynaha dan’yarta  ah ee tabaya waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha dhamaanteed ee ay  dusha  u saaraaya Xukumada talada haysa oo aan kuba baraarugsanayn dhibaatada ay ku sugan yihiin muwaadiniinta ku rafaadsan waddanka iyadoo taa badalkeeda xukumadu ku mashquulsan tahay faan badan iyo dhagaxaan ladaadiyo oo been ah

 

Waxaa Xisbiga WADDANI uu muuqata Cisbitaalada dalka oo xidhmay iyada oo markii horeba ay aad u yarayd adeega dadwaynuhu ka helaan cisbitaalada guud ee dalka

 

Waxaa xidhmay Cisbitaalada ceerigaabo, kii laas-caanood, kii caynabo iyadoo xaalada laga dayrinayo Cisbitaalada waaweyn ee Boorama, Burco, Baligubadle iyo Cisbitaalka guud ee Caasimadda.

 

Sida aynu wada ogsoonahay Cisbitaalka caasimadu wuxuu 200 miter u jiraa Qasriga Madaxtooyadda,  waxaana nasiib darro ah in maanta dadku laydh la’aan ugu dhimanayaan.

 

Sidoo kale Maxakamadda oo dhinaca kale uga jirta 200m waxaaynu ka dharagsanahay  inay xidhnaayeen maalmihii ugu danbeeyey oo ay u shaqayn kari waayeen laydh la’aan,   waxaan indhaha Shacabku si fiican u dhuganayaan  Qasridga Madaxtooyada oo u dhexeeya Maxkamadaha Iyo Cisbitaalka wayn  aanu mar kaliya ka bakhtiyin laydhku biyuhuna ka go’in.

 

Sidaa darteed waxa uu Xisbiga WADDANI canbaaraynayaa damiirka hogaamineed ee Qasriga Madaxtooyadda ee ogolaaday in laydh la’aan loogu dhinto Cisbitaalka wayn, Maxkamaduhuna u adeegi kari waayaan Muwaadiniinta yadoo ay ku filaan lahayd waayir 200m ah oo gudbiya adeega korabtada looguna shaqeeyo muwaadiniinta.

 

Haddaba Xisbiga WADDANI waxaa uu Xukuumadda u soo jeedinayaa in ay iska dayso faanka beenta ah iyo geed sare waabka aan ka turjumayn baahida dhabta ah ee muwaadiniinta ku hoos silcaysa maamuulka Xukuumadda

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com