04,May,2014 (SDN/QJ)-warar hadda soo gaadhaya Shabakadda warar ee Qurbejoog.com,ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilanyo uu safar ugu baxayo Magaaladda Tog-wajaale ee Gobolka Gebilay.ilaa hadda si rasmi ah looma oga Waxa uu daaranyahay safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafdiga uu Hogaaminayaa.hase yeeshee warar ay helayso Qurbejoog.com ee la xidhiidha safarka Madaxweynaha ayaa tilmaamaya inuu madaxweynuhu xadhiga ka soo jarayo Mashaariic laga hirgaliyay Golbolka Gebilay.
Dhinaca kalena waxa saaka Madaxweynaha Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Ururka Haweenka ee Nagaad.waxaana ay sheegen inay Madaxweynaha Shahaadadan u Gudoonsiiyeen iyaga oo uga mahadnaqaya sida ay sheegeen kooto uu siiyay Haweenka Somaliland.
Waxii kaso kordha wararka safarka Madaweynah waxaad kala socon doontaan Qurbejoog.com
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com
