warbixin
ka dib salaadii roob doonta ahayd ee laga oogay dhamaan gobolada iyo degmooyinka jsl, waxa ilaahay (SWT) u shubay dhamaan dad weynaha ku nool miyi iyo magaalaba roob naxariis iyo qabow wata , kaas oo meesha ka saarey abaartii iyo omoskii darnaa. waxaanu ka dhigay dhulkii baahsanaa naq iyo nabaad miidhan, oo farxad galisay dhamaan dadweynaha ku nool geyiga dhulka somaliland. waxaana faa’ido weyn ka helay dadyowgii iyagu xoola dhaqatada ahaa ee kolba ula guuri jirey xoolahooda hadba meeshii cagaar loogu sheego. raxmaadkan alle ayaa si aad ah looga soo dhaweeyay dhamaan gobolada dalka , gaar ahaan caasimada dalka jsl ee hargeysa. roobkan oo aad loo sugayey abaar daba dheeraatey iyo kaliil daran awgeed. hadana waxa la yidhi” nimco waliba nusqaanteed leh’e” roobkan ilaah ku manaystey dhulka jsl ayaa khasaare soo gaadhsiiyey qaar ka mid ah wadooyinka caasimada somaliland ee hargeysa. kuwaas oo aynu ka xusi karno (wadada isku xidha qudhac dheer ilaa iyo suuqa. ha u badnaadto burburkaasi wadada xaafada sabaxareed gaar ahaan inta u dhaxeysa dugsiga hudheel jasiirailaa iyo geftinka ga deyrka maxamoud ahmed ali ee looga laabto madaarka ama calaamada hadba sida loo yaqaan. iyo wadada hor marta shirkada isgaadhsiinta ee telesom. siiba agagaarka kaalinta basbaas fuel station ilaa ishaarada cawl ee hadiya la siman.
khasaaraha uu roobku keeno ayaa loo aaneyn karaa ama lagu sheegi karaa waxqabad la’aanta dawlada hoose ee gobolkan maroodi jeex. macna ahaan roobka iyagaa ka masuul ah ma aha micnuhu ee waxa weeye in aanay wadooyinkan xilba iska saarin dhisidooda. balse ay ku mashquuleen wadooyin qurxoon oo ay dayac tiraan siiba (wadada wadnaha ama wadada ka bilaabmata saldhiga dhexe ilaa madaxtooyada jsl). taas oo gayeysiisay(keentay) in wadooyinkii kale baaba’aan sameyn iyo dayac tir la’aan darteed. deedna mar kasta oo raxmaadka rabi yimaado uu sii bur-buriyo. hadaba su’aasha meesha taalaa waxay tahay hadii dawlada hoose ee aanu dooranay dhisi lahaayeen wadooyinkan roobku ma u geysan lahaa khasaare?. iska daa dhisid’e dayac tir lagu sameeyo ayaanay waxba noqonaynin hadii roob kastaa yimaado, in kasta oo awooda rabbina meesha ku jirto.
hadaba golaha deegaanka oo loo doortey 28/ 11 2012 inay waxqabad ku soo kordhiyaan caasimada jsl ee hargeysa ayaan iyagu haba yaraatee aan wax ka qaban dhibaatooyinkan iyo qaar kaleba , sida ” baahiyaha guud siiba nadaafada qashinka tuulan faras magaalaha caasimada dalka, , bilicda caasimada, wadooyinka, biyaha , laydhka iyo dhamaan arrimaha bulshada ee loo doortey. golahan deegaanka ayaa iyagu u badan dhalinyaro, taas oo lays lahaa waxay wax ka badeli hanaankii hore ee dawlada hoose sida tii uu maayarka ka ahaa ENG JICIIR iyo tii ka sii horeysay ee CAWL oo la odhan karo waxqabadkooda hore looma arkin dibse mooyi.!!
maayar CAWL waa la ogaa wuxuu qabtey , oo waxa ka mid ah:-
- dhisidii ishaarooyinka.
- dhisidii gacanta mapka somaliland haysa.
- saaristii diyaarada wakhtigii uu xilka hayay.
- wax ka badalka wadooyinka. iyo qaar kale.
waxa isna ku xigay maayar ENG JICIIR oo isna wax badan qabtey. sida:-
- bilicda caasimada.
- sameyta shimbirta ku taal goolada tootal.
- wax ka qabashada qashinka magaalada.
- dhisida wadooyin cusub.
- dhisida sariibado iyo qaar uu dhagax dhigay.
hadaba su’aashu waxay tahay golan deegaanka ee cusub ee uu maayarka u yahay C/raxmaan SOLTELCO maxay qabteen mudadaas ah labada sano? ma waxay ku dhamaysteen wakhtigooda ka qaybgalka xafladaha lagu soo macsuumo mise waxqabad? su’aalahaas jawaabtooda waxaan uga tagey akhristaha . balse waxa iga su’aal ah xagee mareen dhalintii aynu dooranay? waliba aynu is lahayn way ka caqli iyo garaad sareynayaan odayaasheenii hore ee dawlada hoose soo maray.
guntii iyoi gabagabadii:
waxa talo iga ha in aad wax ka qabataan horumarka gobolka iyo kan dalkaba. waxaad xilka haysaan muddo laba sanno iyo dheeraad ah xiligaasna ma jiraan waxqabad aad ku talaabsateen oo la taaban karo oo sidaas u sii weyni. hadaba hadii maanta xilku idinka dhamaado maxaad kala tagaysaan meesha ee iniin sumcad ah. ma wxaaan ahayn dhaliil ah mushahar ayay ku cuni jireen mise wax laga sii sheegaysto.soomaalidu waxay tidhaa”nin wax ku siiya waad heshaa. laakiin nin wax kuu sheega ma heshid”. waa iga talo iyo wax u sheegis . igama aha xumaan iyo aflagaado sida runta ah. hadal iyo dhamaan “biyo meel go’dan bay iskugu yimaadaane” waari maysaane war haydinka hadho.
Dhamaad
W/Q freelance journalist
sakariye faysal ahmed waddani
EMAIL caaqi_daalo@hotmail.com
NUMBER: 4836029
