Nairobi:May,05,2014 (SDN/QJ)-Waxa Habeenkii Labaad oo isku xigta Qaraxyo laga Fuliyey Dalka Kenya, iyadoo Xalay la qarxiyey Gaadiid Dadweyne oo ku Sugnaa Magaalada Nairobi.
Wararka Halkaas Naga Soo Gaadhaya, ayaa Sheegay in La Hayo Dhimashada ilaa iyo Saddex qof iyo Dhaawac ku Dhaw lixdan qof oo ka mid ahaa dad shacab ah oo Gawaadhidaas iyo Hareeraheeda ku sugnaa.
Qaraxyada ayaa lagu weerarray basaska dad weynaha ee adeegsada waddada Thika Road.
Qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in ay khatar tahay xaaladoodu, kuwaas oo si degdeg ah loogula cararay Goobaha Caafimaadka.
Labada qarax waxa ay ka dhacayn waddada weyn ee Thika, gaar ahaan afaafka hore ee hotel the Bluesprings Hotel kan labaad wuxu ka dhacay Kasarani.
Dadka dhintay waxaa xaqiijiyay , Dr. Antonio Milito oo ku sugan Ruaraka Uhai Neema Hospital oo la geeyay dhammaan dadka ku wax yeeloobay qaraxyada.
Wuxuu sheegay in laba qof ay ku dhin 60 kalena ay ku dhaawacmayn, dadkaas waxaa ku jirra 20 kale oo dhaawacooda caafimaad uu yahay halis.
Goobta qaraxyada ay ka dhaceen waxaa tagay ciidamada booliska oo hadda, kuwaas oo isku gedaamay, mana jiraan warar faahfaahsan oo soo baxay wali.
Qaraxyada Xalay ka dhacay Nairobi ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeen Hore ay qaraxyo kale ka dhaceen Magaalada Mumbasa, waxana ay taasi cabsi kale oo dheeraad ah ku abuurtay dadka soomaalida ah ee Kenya ku nool.