Hargeysa:May,05,2014 (SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Cadaaladda Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, ayaa noqday Masuulkii ugu horreeyey ee Saluugay Hadal uu Guddoomiye Muuse Biixi Hankiisa siyaasadeed ku cabiray oo uu warbaahinta ka sheegay Maalintii shalay.
Aadan Dhoolayare waxa uu sheegay in ay haboonayd in Guddoomiyaha KULMIYE uu kursiga Gudoomiyaha xisbiga ee loo doortay uu afartan bixiyo maadaama oo todobaad uun laga joogo shirweynihii saddexaad ee xisbiga.
Aadan Dhoolayare oo la Halayey Qaar ka mid ah warbaahinta, ilsa-markaana ka jawaabayey Su’aal la xidhiidhay Sida ay ula muuqato Habka Mucaaridku dhaliilsan yihiin ee Shirweynihii xisbiga Kulmiye u qabsoomay, waxana uu yidhi, “Waxa dhawaan qabsoomay shirweynihii saddexaad ee xisbul xaakimka KULMIYE oo muddo dhawr jeer ah dib u dhacay, iyadoo aan hambalyeynayo Hoggaanka xisbiga oo dhammaantood dib loo soo doortay. Waxa shirweynaha xisbiga dib u dhigayay waxa uu ahaa waxa jiray rag faro badan oo xisbiga ka mid ah oo han yeeshay oo doonayay inay xisbiga Hoggaankiisa isku sharaxaan. Markaas madaxweynuhu si wanaagsan ayuu yeelay oo waxa uu go’aamiyay in aan la isla sharixin Hoggaanka xisbiga oo dib loo soo doorto Guddoomiyaha, afarta Guddoomiye Ku xigeen iyo Xoghayaha Guud-ba. Waxay ahayd tallaabo sax ah waayo ma xuma wixii rag iska arkaa, waana arrinta sababtay in shirweynuhu ku qabsoomay buuq la’aan.”
Md. Aadan Dhoolayare oo dhiibtay Aragtidiisa ku aaddan Hadalkii Muuse Biixi ku bayaamiyey inuu Musharax Noqon karo, ayaa sidan yidhi, “Waxaan u arkaa tallaabadda Guddoomiyaha KULMIYE ku shaaciyay inuu u tartamayo Murrashaxnimadda Madaxweynenimadda xisbiga dhexdiisa doorashada soo socota inay tahay mid uu ku deg-degay maadaama oo aanu todobaad uun laga joogo xiligii uu dhammaaday shirweynihii saddexaad ee xisbigu. Iyadoo aanay wali dhammaanin hambalyadii Hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u dirayeen taageerayaashu inuu Muuse Biixi arrintan ku dhawaaqo waxay noqonaysaa mid deg-degsiimo ku jiro, waxay ahayd ixtiraam ahaan inuu ka dhursugo madaxweynaha tallaabadiisa inuu isa soo sharaxayo iyo in kale, waanu ka hor-dhacay. Iyadoo aan anigu shakhsiyan qabo in Madaxweynaha maadaama oo uu ku guulaystay doorashadii hore inuu xaq u yeelanayo inaan marka labaad aan lagula tartamin xisbiga dhexdiisa,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Cadaalladdu, waxana uu intaas ku daray,
“Guddoomiye Muuse Biixi hore waxa uu u ahaa Guddoomiye ku meel-gaadh ah maadaama oo loo doortay Guddoomiyaha xisbiga ee shanta sanadood ee soo socda, waxay ahay inuu kursiga caadi ugu fadhiisto oo uu hambalyadda taageereyaashana urursado oo uu afartan bixiyo Hoggaanka xisbiga ee sida aqlabiyada ah ee aan lagula tartamin loogu doortay,”.
Aadan Axmed Cilmi oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxay ahayd inuu sugo in tallo la iskula soo noqdo oo Hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynuhu arrintan ka wada tashadaan, waxa suurto gal ahayd in wax la iska weydiin lahaa arrintan, laakiin waxa hadalka guddoomiyuhu u muuqdaan aad looga hordhacay maadaama oo uu shirweynihii raadkiisii sii qoyan yahay.”
Hadalkii Muuse Biixi ee uu warbaahinta kaga shaaciyey inuu leeyahay Han uu musharax ku noqon karo shanta sano ee Soo socota, ayaa daree ka dhex dhaliyey Xubnaha Xisbigiisa, iyadoo uu hadalkaasi gubay xubno doonayo inaan madaxweynaha cidi kula tartamin Musharaxnimada Shanta sano ee soo Socota.