Buuhoodle 05.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa Kulan Laqaatay Hogaamiyaha Debed Wareega ah ee Cali Khaliif Galaydh oo hada ku Sugan Magaalada Buuhoodle, Wasiirka aya Sidoo kale Shirar kula jira Madaxdhaqameedka Beelaha Dhulbahante ee Magaalada Boohoodle iyada oo laga Wada hadlayo Sidii ay Beeshu Qaab Nabdoon Wax ula Qaybsan Lahayd Beelaha Kale ee Somaliland.
Cali Khaliif Galaydh oo Rajo Beelay Hanaanka Did Usocodka Maleeshiyada Nabadiidka ah ee Khaatumo iyo Xukuumada Somalia oo Albaabada Kaxidhatay ahaa Hada u Muuqa in uu Dhanka Somaliland U soo Jeedo.
Cali Khaliif Galaydh oo Shalay Hadal u Jeediyay Shacabka Buuhoodle ka hor intii aanu Wasiir Xaglo Toosiye iman ayaa Waxa uu sheegay in ay Qasab Noqotay in ay La hadlaan Somaliland Halka uu Cadaw Kutilmaamay Maamulka Puntland oo Colaada Boohoodle jecel in ay Siisocoto.
“Somaliland Wax Dhibaato Ah Kuma Hayso Shacabka Khaatumo.Putland –na shacabka waylaysay” ayuu Yidhi Prof Galaydh.
Geesta kale lama Saadaalin karo Mawqifka Dhabta ah ee Prof Cali Khaliif Galaydh oo lagu tilmaamo Nin Siyaasadiisu ay Jirjiroole tahay ee uu ka qaadanayo inuu Wada hadal rasmi ah la furo Somaliland ,Sidoo kale lama Hubo inuu Magaalada Hargaysa u soo raaco Wasiirka Caafimaadka.
Buuhoodle SDN/QJ.
contact@somalidiasporanews.com
