09,May,2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayey oo safaro shaqo ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Yaman ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Maamulka Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa markii uu tagay xafiiskiisa madaxtooyada Garowe waxa uu warbaahinta uga war-bixiyay shirkii arrimaha amaanka looga hadlayay ee ka dhacay dalka Itoobiya iyo sidoo kale safarkiisii uu ku tagay dalka Yaman.
“Shirkii Tana Forum ee looga hadlaayay arrimaha amaanka dalalka Africa ee ka dhacay Magaalada BAHAR-DAR ee dalka Ethiopia, waxa uu ahaa shir muhiimad weyn ugu fadhiya Puntland, waxaana kasoo baxay waxyaalo muhiimu ah xasilinta amaanka dalal ku yalla gobolka iyo dhamaan Africa” ayuu yidhi Madaxweyne Gaas.
Waxa kale oo uu ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas waxa uu sidoo kale warbaahinta uga waramay kulamdii uu lasoo qaatay madaxda sare ee Dawladda Yaman.waxaana uu tilmaamay inay Qiimo Weyn ugu fadhiyeen Wadahadaladii uu la qaatay Madaxda Dawlada Yaman,gaar ahaana Iskaashiga Budhcad badeeda,Aragagixisada iyo Fududaynta Ganacsiga laba dhinac
SDN/QJ-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com
