Uncategorized

Kenya:Safaaradda Somalida Oo Ka Dayrisay Xaaladda Somalida Ku Jirta Jeelasha Magaaladda Nairobi

jeelasha10,May,2014(SDN/QJ)-Saraafadda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa ka dayrinaysa xaaladda ay ku sugan yihiin dad Soomali ah oo ku xiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta.waxaana la sheegayaa inay dadkaas la soo daristay Nolol Xumo iyo Nadaafadda Goobaha ay ku xidhanyihiin oo aad u liidata.

Dadkan,ayaa la sheegayaa in aanay haba yaraatee haysin waxyaabaha nolasha Aasaaska u ah sida: Biyaha iyo Cuntada.

Booliska Kenya ayaa dadkaasi ku soo qabtay howlgal la sheegay in lagu sugaya ammaanka caasimada, oo dadka aan sharciga haysan lagu bartilmaameed sanyo.iyada oo dhinaca kalena ay iska soo daba dhacayaan Canbaaraynta Caalamiga ah ee loogu jeedinayo Xukuumadda Kenya Gacanta ee ay u adeegsanayso dad Somaliyeed,ee aan waxba galabsan.

Dadkani soomaalida ah ayaa sugaya in loo musaafuriyo dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.waxaana muuqata in Madaxda sare ee Dawladda Somaliya ay afka ka furaysteen inay ka hadlaan waxaa ka dhacaya Nairobi ee lagula kacayo dad Shacabka ah ee Somaliyeed.

SDN/QJ-Nairobi

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com