Uncategorized

Mudaharaad lagu taageerayo dawlada oo ka socda magaalada Muqdisho

Muqdisho May 11,2014(SDN)-Isu soo baxyo ka socda magaalada Muqdisho oo lagu taageerayo waxqabadka dawlada ayaa xanibay isu socodka qeybo ka mida caasimada.

Isu soo baxan oo ay isku soo dubp rideen masuuliyiimta gobolka Banadir ayaa la isga kala imanayaa degmooyinka gobolka Banadir iyada oo lagu sii qulqulayo garoonka Banadir.

Amaanka wadooyinka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo faro badan oo amniga sugaya.

Isu soo baxa ayaa imanaya maalmo ka dib kolkii ay xildhibaano faro badan oo baarlamaanka ka tirsani ay u soo jeediyeen madaxweynaha Soomaaliya in uu is casilo.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com