Hargeysa:May,13,2014(SDN/QJ)-Warbaahinta Xukuumadda Somaliland oo ay ugu horreyaan TV-ga qaranka iyo idaacadda Radio Hargeysa, ayaa bilaabay Baahinta iyo Darder Gelinta Musharaxnimada Madaxweyne Silaanyo ee Muddada shanta sano ah ee Soo Socota.
Warar ay heshay Qurbejoog.com ayaa sheegaya in Wasiir Cukuse oo ahaa shakhsigii ku dhawaaqay inuu Madaxweynuhu musharax Yahay, uu Haatan Amar ku siiyey Warbaahinta xukuumaddu gacanta ku hayso inay Baahiyaan musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo arrintaasina isla shalay bilaabantay.
Arrintan ayaa lagu amray shaqaalaha Idacaadda iyo TV-ga qaranka uga soo warrama Gobollada inay keenaan oo soo ururiyaan dad taageersan Musharaxnimada Madaxweynaha, taas oo marar ka qaar si qarsoodi ah loo soo duubo.
Ilaa iyo shalay waxa Warbaahinta Xukuumadda ka socday Dad waayeel ah oo Gobolada Ku nool, kuwaas oo sheegaya inay taageersan yihiin inuu madaxweyne Siilaanyo muddo kale isa soo sharaxo, taas oo ay dadka shacabka ahi si weyn ula yaaban yihiin sababta keentay xilligan iyadoo aanu wax olole ahi waddanka ka jirin.
Sidoo kale waxa shaqaalaha xarumaha warbaahinta Dawladda ka hawl gala lagu amray inaanay sii dayn Karin wax ka hadlaya musharaxnimad Muuse Biixi oo sheegay inuu Tartan diyaar u yahay, taas kaw ka ah dagaalka Wasiir Cukuse Horseedka ka yahay ee lagu hayo Guddoomiye Muuse Biixi.
Dagaalkan ayaa bilaabmay markii uu Muuse biixi shaaciyey inuu diyaar u yahay sharciguna u bannaynayo inuu isa soo sharraxo, waxana ay taasi keentay in Kooxaha madaxweynaha ku hareeraysani ay Madaxweynaha ku dirqiyaan inaan cid aan isaga ahayni dalkani musharax ka noqon Karin, gaar ahaa xisbiga Kulmiye dhexdiisa.
Guddoomiye Muuse ayaa isagu si dhaw ula socda dagaalka aanu galabsan ee ay ku hayaan kooxo madaxweynaha ka sokeeya oo uu qaarkood qayb ka ahaa inay xukuumadda ka mid noqdaan, waxase uu isaga qudhiisu haatan ku hawllan yahay sidii uu u xidhi xadhig aanay furi Karin kooxdani oo uu awooddiisa ku muujinayo.
Inkastoo aanu madaweyne Siilaanyo wali si rasmi ah hankiisa u caddaynin, haddana markii la arkay sida ay warbaahinta dawaladdu musharaxnimadiisa u hadal hayso, waxa la xaqiiqsaday inuu diyaar yahay, balse waxa wali la garan la yahay sababta uu u aamusan yahay ee arrintiisa shaaca uga qaadi la’yahay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddo shan sano ku dhaw dalka oo hoggaamiyey, waxana jira waxyaabo badan oo uu qabtay iyo waliba khaladaad uu sameeyey, ilaa iyo Haatanna ma muuqato wax isku hallayn ah oo sabab u nqon karo inuu hunguri kale ka galo shacabka oo tabashooyin laxaad leh qaba.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com
