Muqdisho:May,13, 2014(SDN.QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa dalbay in diyaar gaar ah loo diro dhaawaca dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Baydhabo ka dhacay, isagoo tacsina u diray Ehelladii ay dadkaaasi ka soo jeedeen.
Ra’isal wasaaraha, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay taageero la garab taagan tahay dadkaas waxyeeloobay, iyadoo Maamulka Baydhaba-na laga caawin doono sidii uu arrintaas u wajahi lahaa.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaan Allah u weydiinayaa muwaadiniintaas ay gacanta ka xaqa daran dishay inuu naxariista Jannada ku soo dhoweeyo.Dadka dhaawaca ah waxaan Allah u weydiinayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Waxaan Baydhabo u diraynaa diyaarad soo qaadda dhaawaca halista ah si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeri ah.” Ayuu yidhi Ra’isal wasaare Cabdiweli.
Ra’isal wasaaraha ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxaas, isagoo ku tilmaanay Tallaabo Gurracan oo dad aan waxba galabsan Dhiigooda lagu daadinayo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay xukuumadda ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Magaalada Baydhabo ee uu qaraxu ka dhacay inta badan laguma yaqaano inay waxyaabahaas oo kale ka dhacaan, waxana ay ka mid tahay Goobaha ugu ammaansan Koonfurta iyo Badhtamaha Soamlia
SDN/QJ
Contat@Somalidiasporanews.com
