Hargeysa:May,13,2014(SDN/QJ)-Qaabkii loo geli jirey Aqalka Looga Arrimiyo Somaliland ayaa wax laga Beddelay Tan markii uu Ciidanka ilaaliya Taladooda la wareegay Tododbaadkii hore Taliye Axmed Cali Maygaag.
Isbeddelkan ayaa salka ku haya Hannaan habaqle ah oo markii hore madaxtooyada loo geli jirey, iyadoo Masuuliyiin, Ganacsato iyo Shakhsiyaad kale oo Been ma Sheega-yaalnimo caan ku ihi xilliga ay doonaan soo geli jirey Aqalka madaxtooyada.
Taliyaha cusub ayaa markii uu talada ciidanka la wareegay ku bilaabay inuu Adkeeyo gelitaanka Guriga dalka looga taliyo, waxana uu awaamiir cusub siiyey ciidankiisa, isagoo mamnuuc ka dhigay inaanay soo geli Karin Goobtaas cid ka hoosaysa Heer wasiir oo aan sidanin warqad caddayn ahi.
Arrintana yaa bilaabantay Toddobadkan, waxana ka dhashay Buuq iyo dagaal gacan-ka-hadal ah oo ay sameeyeen Shakhsiyaad u qaadan-waa ay ku noqotay arrintani oo sida guryahooda oo kale u geli jirey Madaxtooyada, kuwaas oo waliba qaarkood aanay xilal haynin, halka qaar kalena ay Masnabyo yoose dawladda ka hayaan.
Ciidanka Madaxtooyada oo Fulinay Amarka Xagga sare kaga yimi ayaa bilaabay inay Madaxtooyada ka celiyaan shakhsiyaad sida daadka u soconaya oo bilaa amar ku gelaya Aqalka, waxana bilaabmay Nafis iyo Deggenaan dhan walba ah oo madaxtooyada dhexdeeda laga dareemay.
Shakhsiyaadka hore u galaa bixi jirey Madaxtooyada ayaa amarkan ka soo horjeestay, waxana qaarkooda ay dagaal la galeen ciidanka ilaalada madaxtooyada iyadoo si cad loo wada arkayo.
Dadka damcay inay dagaalka iyo xoogga ku galaan madaxtooyada, ayaa waxa ugu horreeya Guddoomiyaha Guddida Diwaangelinta Urrurada Siyaasiga ah iyo Axsaabta qaranka Cabdirisaaq Ciyaale, kaas oo sida la sheegay Haatan ka hor Madaxtooyada Geli jirey Ugu yaraan Saddex Jeer Maalintii iyadoo wax shaqo oo uu qaranka u hayaana aanay jirin haatan.
Sidoo kale waxa ay haatan ciidanka madaxtooyadu gelitaanka aqalka udiideen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Nuux Sheek Muuse Ducaale iyo waliba Ganacsade Maxamed Baar-jeex oo ah ganacsade ay Madaxtooyada aad iskugu dhaw yihiin, kuwaas oo loo sheegay inaanay caddayn la’aan iska geli Karin madaxtooyada.
Masuulkan iyo ganacsadahan ayaa Jaafaa-jiriq dheer kadiba ka hulleelay Goobta, iyagoo ku andacoonaya inaan waligoodba loo diidan gelitaanka Madaxtooyada.
Arrintan ayaa looga dan leeyahay in lagu habeeyo hannaanka dawladiniada oo dhinaca madaxtooyada aad uga liita, iyadoo ay Aqalkka dhexdiisa, gaar ahaan Dayrka camiraan Dadweyne iyo shakhsiyaada dano gaar ah leh oo si aan haboonayn u gala aqalka xilli shaqooyin waaweyni socdaan.
Sidoo kale waxa arrintan looga dan leeyahay in lagu dardar geliyo arrimaha Ammaanka, maadaama dhawaan ay soo beegan tahay Munaasibaddii 18-ka oo digtooni badan la qabo.
Taliyaha cusub ayaa isagu ku qancay inuu wax ka beddelo qaabka loo Geliyo madaxtooyada, waxana uu door biday in cidda danaha gaarka ah wadata ee aan qaranka u danaynaynini inay Fasax ka soo qaataan cidda ay doonayaan, waxana ay taasi muhiim u tahay dhinacyada ammaanka iyo waliba Bilida Madaxtooyada.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com
