Abuja 13, May 2014 (SDN)- Dawladda dalka Nayjeeriya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay kooxda Islaamiyiinta dagaal-yahanka ah ee Boko Haram kala hadasho siidaynta inka badan 200 oo gabdhood oo kooxdaasi ay dhowaan ka afduubteen dugsigii ay wax ka baranayeen.
Wasiirka Shaqooyinka khaaska ah Mr. Tanimu Turaki ayaa Salaasadda maanta u sheegay qaybta dunida la hadasha ee BBC-da, inay xukuumaddiisu diyaar u tahay wadahadalo ay siidaynta gabdhahaas la furto kooxda Booka-xaaraam.
Abubakar Shekau oo ah Hoggaamiyaha kooxda Boko Haram ee dagaalka kula jirta dawladda Nigeria, wuxuu Isniintii shalay shaaciyay shuruudo ay ku xidheen siidaynta gabdhahaas oo uu sheegay inay ku sii dayn karaan, haddii loogu bedelayo maxaabiista dagaalyahanadooda ee dawladda u xidhan.
Hase yeeshee, Wasiirka Masuuliyaddaha Khaaska ah Mr. Tanimu Turaki, wuxuu sheegay haddii ay Boko Haram daacad ka tahay, in hoggaamiyahooda Abubakar Shekau laga doonayo inuu soo diro dadka uu aaminsan yahay, si ay ula kulmaan guddiga joogtada ah ee dib-u-heshiisiinta.
Gabdhaha waxa bishii hore laga afduubay dugsi ay wax ku baranayeen oo ku yaala waqooyiga bari ee dalka Nigeria.
Muuqaal ay kooxda Boko Haram siidaysay Isniintii shalay, waxa uu muujiyay ilaa 130 ka mid ah gabdhahaas oo akhriyaya Aayado Quraan ah.
Qurbejoog.com, Abuja
