Uncategorized

“Xukuumada waxaan leeyahay waar dalkii waad dhisteen oo ilaa Ceerigaabo waddo ayaad wadaan, lakiin dadkii ilaa halkaa xoreeyay diif bay qabaane” Gudoomiyaha Jimciyada Sooyaal

Hargaysa 13.May 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha jimiiciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan yihiin agoonta ay ka tageen mujaahidiintii dalkan xoraysay ee SNM.

SNM-SooyaalGuddoomiyahu waxa sheegay in xukuumada maanta talada haysa aanay qorshahoogu ugu jirin inay wax u qabtaan agoontan ay dhaleen mujaahidiintu, sidaasna waxa uu ka sheegay munaasibad cusbitaalka dhimirka ee Raywan oo ku yaala magaalada Hargeysa uu ku soo bandhigayey sida uu u caawiyo mujaahidiintii SNM ee maanta ku dhibaataysan dalka.

Guddoomiye xasan cabdi maxamed waxa uu u soo jeediyay shacab iyo ganacsataba in ay iska kaashadaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen mujaahidiintan dhibaataysan

Hadalada guddomiyaha ayaa waxa kamid ahaa

“Xukuumada waxaan leeyahay  waar dalkii waad dhisteen oo ilaa Ceerigaabo waddo ayaad wadaan, lakiin dadkii ilaa halkaa xoreeyay diif bay qabaane bal waxuun kaga dara” ayuu Yidhi Guddoomiyaha Jimiiciyada Sooyaal) Waxaa kale oo uu Intaas ku daray “SNM, waa loo calaa-calaa oo keliya,dabadeedna waa lagu kala dareeraa oo cidi wax uma qabato,Markaas Wasiirada waxaan leeyahay  idinkaa marwalba agfadhiya madaxweynahe bal gaadhsiiya baahidooda”.

 

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com