Uncategorized

Wasiirka Caafimaadka Dr Xaglo Toosiye oo Booyado Biyo ah Gaadhsiiyay Bulshada Buuhoodle Daawo

Buuhoodle 14.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed oo mudooyinkanba socdaal shaqo ku jooga Magaalada Buuhoodle oo ay biyo yaraani ka jirto  ayaa maanta halkaa ka fuliyey hawl biyo qaybin ah .

booyado biyoHawshan oo biyaha la cabbo ee saafiga ah lagu gaadhsiinayo qaybo ka mid ah dadweynaha danyarta ah ee Magaaladaasi ku dhaqan ayaa loo qaybiyey xaafadaha qaarkood, xilli ay magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda ka taagan tahay  biyo la’aan baahsan taasoo ka dhalatay roobabkii oo xilligoodii dib uga dhacay.

Dadweynaha degan xaafadaha biyaha la gaadhsiiyey ayaa cabbiray dareenkooda ku aaddan taageerada la soo gaadhsiiyey isla markaana u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay

Buuhoodle  SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com