Hargaysa 21.May 2014 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xubno ka socday Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Sheffield kuwaas oo Kaalin Weyn ka Qaatay Aqoonsigii ay Golaha Deegaanka ee Magaaladaasi dhawaan u fidiyeen Somaliland.
Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Sheffield ayaa madaxwaynaha uga warbixiyay mudadii uu qaatay Aqoonsigii ay golaha deegaanka Magaalada Sheffield siiyeen Somaliland.
Jaaliyadaasi ayaa madaxwaynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa ku maamuusay shahaado sharafyo ay sheegeen inay ku mutaysteen horumarka ay dalka ka sameeyeen, waxanay madaxwaynaha Somaliland gudoonsiiyeen waraaqdii Ictiraafka ee ay siiyeen Golaha Deegaanka Magaalada Sheffield ee cariga Uk.
https://www.youtube.com/watch?v=1hogHeRnuyE
Hargaysa SDN/QJ
