Uncategorized

“Ciidamada Puntland waxay la wareegeen gacan ku haynta Buuralayda Galgala” Madaxweyne Cabdi Weli Gaas

Garowe 02.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Warbaahinta kula Hadlayay Aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku xaqiijiyay in Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay 1-10-2014 si rasmi ah ula wareegen Fariisimihii Ururka Al-shabaab ee Buuraha Galgala.

 

gaas”Waxaa sida lawada ogsoonyahay Cadowga Burcad diimeedka ah ee argagixisada Caalamiga ah muddo ku dhuumaalaysanayeen Buuraha Galgala,waxay laa yeen dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan,ayna ku jiraan birimagaydo oo ay kamid yihiin Culimo,Aqoonyahan,Waxgarad,Haween iyo Caruur ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

 

”Waxay dhib iyo Culays Badan ku hayeen shacabka Reer Puntland ee ku nool deeganadaas,waxay barakiciyeen kumanaan qoys oo maato ah,waxay khatar ku hayeen isi socdka Ganacsiga iyo Dadka,waxay is hortaagen horumar kasta oo bulsho ee deegaanada ay ku sugnaayen”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

 

Madaxwayne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale tilmaamay in Kooxdaasi ay Khatar joogta ah ku ahaayen dadka iyo Deegaanada Puntland iyo Waliba dariskoodaba.

 

”Hadaba waxay ciidamada qalabka sida ee Puntland si geesinima leh ugu qaaden Howlgal Ciidan Buuraha Galgala,waxay ciidanku gabi ahaanba la wareegen saldhigii ugu weynaa ee argagixisadaasi,waxay ciidamadu daba joogaan firxadkii Burcad diimeedkaasi Khatarta joogtada ah ku ahaa Nolosha iyo Nabadgelyada Mandiqada oo dhan ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

 

”Iyadoo ay jirto dhimasho iyo dhaawac badan oo dhanka Argagixisada ah dib ayaanu ka soo sheegi doonaa tirada dhabta ah ee dhimashadaasi iyo dhaawaca gaaray argagixisada”ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

”Waxaan u balan qaadaynaa Shacbiga Puntland iyo Dariskoodaba in aanu ka difaaci doono Cadow kasta oo Khatar galin kara Diintooda,Noloshooda iyo Maalkoodaba ,waxana Cafis ku eg 30-maalmood (Soddon Maalmood)u fidinayaa dhalinyarada lamarin habaabiyay ee sida khaldan loo Fahansiiyay Diinta Islaamka ”

 

”Waxaan Rajaynayaa in ay ka faa’iidaystaan Fursadaan,badbaadiyaana Noloshooda iyo aayahooda isuna soo dhiibaan Ciidamada Dowladda Puntland Meelkasta oo ay joogaan ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com