Uncategorized

“Reer Gabiley Doraad Awdal-bay U Codeeyeen Oo Daahir Riyaale Ayay Soo Saareen , Shaleyna Reer Burco Ayey U Codeeyeen Oo Siilaanyo Ayey Soo Saareen , Maantana ….” Cali Guray DAAWO

Gebilay 02.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Ucid ayaa u Joojin Waayay awaamiir uu Maayarka Gebilay iyo Taliyaha Qaybta Boolisku si Wada jir ah uga Mamnuuceen in Huteelada Gebilay lagu qabto Shirarka Xisbiyada Waxayna Taageerayaal Cusub oo ku soo biiray ay ku soo dhaweeyeen Mid Ka Mid ah Huteelada Gebilay.

Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid ayaa Xukuumada iyo Laamaha amaankaba uga Digay inay ku dhaqaaqaan talaabo noocan oo Kale ah.

Waxa uu Cali Guray Sheegay in Gebilay ay doraad u codaysay Daahir Rayaale oo Gobolka Awdal ah halka ay Shalayna u Codaysay Axmed Siilaanyo oo reer Burco ah isagoo intaas ku daray in Maanta Gebilay ay isu codaynayso Maadama Sida uu Sheegay Goboladii ay Hore ugu Codeeyeen aanay ka helin Abaalkii ay ku lahaayeen.

Gebilay SDN/QJ

contact@qurbejoog.com