London 05Oct14(SDN/QJ) Xoghaayaha kalumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Xisbiga Ucid Mudane Cabdilaahi Cumar Xuseen Shaqale oo qoraal soo gaarsiyey Warbaahinta u qornaa sida tan; Waxaan Hanbalyo u dirayaa Munasabada Ciidal Adxa Shacabka reer Somliland meelkasta oo ay ka jogaan dunida . inta ka dib waxaan racinaya digniin aan dawlada somaliland uga digaayo keenista ciidamada la samaynayo ee ilaalinta shirkadaha badhaya khayraadka ee aan meela kaga jirin distoorka dalka kuwas oo looyaqaano (calooshoda ushaqaysteyal) waxana aduunka looga yaqaana(Mercenary) kuwaas oo keliya ka Amar qaatan sharkadaha ay u shaqeeyan waxay keenidonta inaan dawladu mamuli karin iyaguna aanay dadka iyo dalka midna aanay u nixi doonin waxa had iyo jeer sida la ogyahay ciidamada privitka ah sida kuwan oo kale in ay yiihiin qaar aan dadka iyo deeganka aan ku wanaagsanayn marka waxaan aad canbaaraynayaa keenistooda.shicibka reer somaliland waxaan uga digaynaa Kenistooda shacabka reer somaliland waxaan leeyahay dalkiina khayraadkiisa iyo badiisa iyo kiisa barigaba waayo waxii khalad ku bilaama khalad ayey ku dhamadan ee aan dasturka wafaqsanyn waayo dhibta ka timaada shicibka ayey kusoo noqonaysa iyo deeganka. waxaan leeyahay ka hortaga oo iska hubsada inta aanay dhibaatadu udin ku dhicin. waxaan ilaahay uga baryaya in dawlada xaqa garansiiyo oo ay daayan hagardamada shicbkooda
wanaagsan ee sida sharafta leh ugu codeeyey. wabilaahi towfiiq .
Cabdilaahi Cumar Xuseen (Shaqale)
Xoghayaha Kalumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Xisbiga Ucid

