Oslo 05.Oct 2014 (SDN/QJ)- Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Safiya Cabdi Xaase, ayaa noqtay qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo lagu abaal-mariyo doorkiisa hawled, gudaha waddanka Norwey.
Gabadhan Soomaaliyeed ee Safiya, waxaa la siiyay abaal-marinta caalamiga ah ee loo yaqaanno St. Olav, taasoo ay ku muteysatay shaqadeeda iyo ololeheeda ka dhanka ah gudniinka fircooniga ah. Safiya Cabdi Xaase, ayaa heshay billadda mudnaanta ee boqortooyada ay bixiso taas oo lagu gudoonsiiyay gurriga boqortooyada ee Oslo.
Safiya ayaa ololahan bilawday kaddib markii iyada nafteeda ay la kulantay xadgudubyo iyo xittaa dhibaatada Gudniinka Fircooniga ah oo la isku raacay inuu ka soo horjeedo Diinta Islaamka, isla markaana lid ku yahay Xuquuqda Aadamaha.
Waxay Soomaaliya ka qaxday 1992, oo ay gaartay dalkan Norway xilligaas oo ay la socdeen seddax gabar oo ay dhashay. Waxay BBC u sheegtay in ololeheedan oo ka imaaday si toos ah waxa iyadu ay khibradda u leedahay.
Markii ay Soomaaliya ku nooleyd, maysan lahayn cilmi. Balse gudaha Norwey, waxay wax barashada ka bilowday dugsiyada hoose dhexe iyo sare, kaddibna waxay qaadatay shahaado jaamacadeed oo kalkaaliye caafimaad ah.
Oslo SDN/QJ
