Uncategorized

“Alloow Awdal iyo Udub Soo Celi” Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Boorama 06.Oct 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid uu Si Diiran u Soo dhaweeyay Taageerayaal ku soo Biiray Xisbiga Ucid Kuwaas oo Markii hore ka mid ahaa Ururadii Siyaasada ee ku Guuldaraystay inay u soo baxaan Sadexda Xisbi qaran kuna kala Jiray Ururadii Rays, Dalsan iyo Xaqsoor.

Madal Siyaasadeed oo Xisbigu ugu Qabtay Magaalada Boorama ayaa Waxaa ka qayb galay Hogaanka Sare ee Xisbiga Ucid,Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Bulshada Gobolka Awdal Yihiin Kuwii Xaqiijiyay adkaynta Midnimada Somaliland Waxa uu Dhaliilo u soo Jeediyay Xukuumada Xilka haysa ee ka dhalatay Xisbiga Kulmiye.

Boorama SDN/QJ

contact@qurbejoog.com