Hargaysa 06.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in labadaas wargeys ay wali u xidhan yihiin Madaxwayne Siilaanyo iyo qoyskiisa.
Waraysi uu siiyey HCTV oo la baahiyey ayaa Yuusuf waxa uu xayiraadii ay xukuumadu ku soo rogtay labadda wargeyska ku tilmaamay sharci daro iyo dhaqan-xumo aan hore u dhicin.
Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu soo bandhigay Documents uu ku cadaynayo in musuqmaasuq baahsani ku gaddaaman yahay hawlaha dhinaca shidaal-baadhista, waxaanu sheegay in Wasiirka Macdantu dawladda iskaga gudbno dakhli badan oo uga soo xaroon lahaa shirkadaha oo iskugu jira cashuuro iyo kirooyin ku waajibayey shirkadahaasi balse ay caadaysteen inaanay bixinin.
Guddoomiyaha Haatuf Mr Gaboobe waxa uu madaxwayne Siilaanyo ku tilmaamay inuu yahay qof aan mabda’ joogto ah lahayn oo kolba halkay dantiisu ku jirto uun u jeedsada, waxaanu arrintaasi tusaale uga dhigay dhaleecayntii iyo eedayntii uu Siilaanyo u soo jeedin jiray madaxwayne Rayaale markii uu xidhay Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Isagoo dhacdadaa ka sheekaynayana Yuusuf waxa uu xussay in madaxwayne Rayaale uu madaxwayne Siilaanyo kaga duwanaa isagoo ka xishooday inuu fuliyo go’aankii maxkamadda ee ahaa in xarunta wargeyska Haatuf albaabada loo laabbo, halka uu Siilaanyo xaruntii wargeyskaas xidhay iyadoon xukunba ku dhicin.
http://youtu.be/l0sSey4r-9c?list=UUHoq0l91NIxYZ4d97aHDnbQ
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
