Ottawa Oct 05,2014(SDN/QJ)-Ergeyga gaarka ah ee dalada Asxaabta Mucaaridka Jabuuti ku bahoobeen ee USN Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole ayaa kulan uu la yaashay Mayorka magaalada Ottawa ee dalkan Canada waxa ay ka wadahadleen danaha jeeliyad reer Jabuuti ee ku nool caasimada Canada iyo sidii wada jir ay wax uga wada qaban lahaayeen xaaladaha dalka Jabuuti.
Md Xuseen Cadhoole iyo Moyo Jim Watson ayaa isla soo qaaday mashaariic caasimada laga hirgeliyo oo wax tar u noqda horukaca jaaliyada reer Jabuuti ee Ottawa.
Sidoo kale waxa ay labada masuul ka wadahadleen suurtogalnimada in la mataaneeyo caasimadaha Jabuuti iyo Canada ee Ottawa iyo Jabuti.
Magaalada Ottawa ayaa waxa ka socda bilowga olole doorashooyinka dawladaha Hoose iyo ta Duqa magaalada Ottawa, waxaana ka qeybqaadanaya tartanka siyaasiyiin reer Jabuuti ah.
Tageerada dalada Mucaaridka Jabuuti ee ku nool magaalada Ottawa ayaa ah huroomdka isbedel doonka reer Jabuuti.

SDN/QJ-Ottawa
