Boorama 05.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka codsaday dadweynaha reer Boorame inay dooran tartanka doorashada madaxweynanimada ay codkooda siiyaan.
Gudoomiye Faysal waxa uu ku eedeeyey madaxda dalka Somaliland inay gadh-wadeen ka yihiin qabyaalada,oo uu ku tilmaamay ilaa ay hagaagaan mooyaane inaynaan qabyaalad ka baxayn. Maanta Sijaayada lagu fadhiyaa waxa weeyaan Sijaayada Awadal-weeyaan.. Nabada iyo horumarku waxay ka bilaabmeen Galbeedka”.Ayuu yidhi Guddoomiye Fasyal Cali Waraabe
isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Maanta waxa jiraa waa qabyaalada, oo waxa waadaa waxa madaxda, ilaa Madaxdu hagaagto mooyaane qabyaalad laga bixi-maayo,”
“Berigii dhawayd Aniga (Faysal) Iyo Daahir Rayaale waxaanu ahayn laba Guddoomiye oo reer Boorame ah,berigaa codkii waad iga siiseen, oo waxa uu iga dheereeyay Daahir Rayaale la Anow inantaa reer Boorame ahayd (Xaaskiisa), laakin doorkan UCID-baa iska leh, oo waxaan rajeynayaa inaad codkii aad na siin jirteen iyo kii Daahir Rayaale-ba aad nasiin doontaan”.Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay reer Boorame.
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
