Uncategorized

Akhri Taariikh Nololeedka Marxuum Danjire Maxamed Cisman Cumar Oo Geeriyooday

Muqdisho:Oct,06,2014(SDN/QJ)-Magaalada London ee Carriga Ingiriiska waxa maalintii dorraad ee Ciidda ahayd ku Geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Cusmaan Cumar oo Muddo Halkaas ku Xanuunsanayey.

danjHalkan waxa aynu kusoo bandhigi doonaa Qoraal kooban oo ka warramaya shaqooyinkii uu marxuumku u soo qabtay qaranka somaliyeed muddadii uu diblomaasiyadda kusoo jirey.

Marxuum Ambassador Maxmed Cismaan Cumar waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii February 1968, isagoo ka mid noqday Saraakiisha hab-maamuuska , illaa iyo heer uu gaadhay in loo magacaabo agaasimaha habmaamuuska.

Ambassador Abdisalam Haji Ahmed Liban oo ka mid ahaa diblomaasiyiintii ay isla soo shaqeeyeen Marxuum Maxamed Osman ayaa sheegay in marxuumku ahaa xidig ifayay oo u hilaacay diblomaasiyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya , wax weyna ka qabtay howlihii kala duwanaa ee loo kala igmaday, isagoo furay Safaaraddii Soomaaliya ee Tunisia .

Waajibaadka qaran ee uu gutay , laguna xasuusan karo marxuumka ayaa ahaa isagoo kaashanayay saraakiishii Waaxda habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda qaabka heerka sare ah ee ay u haagiyeen hab socodka Shirkii Madaxdii Ururkii Midnimada Afrika ( OAU) ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho sanadkii 1974 .

Intii u dhaxeysay 1968-1972 waxa uu noqday U qeybsanaha Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee UK iyo Xoghayaha koowaad Safaaradda Soomaaliya ee China.

Intii u dhaxeysay 1976 – 1979 waxa uu noqday Lataliyaha koowaad Safaaradaha Soomaaliya ee Iran iyo Tanzania.

1980 ayaa waxaa dib loogu magacaabay Agaasimaha hab maamuuska Wasaaradda iyo kan Qaranka , isagoo qoray buugaag badan oo la xidhiidha diblomaasiyadda iyo khilaafaadka dowladaha.

Intii u dhaxeysay 1982 – 1991 , waxa uu noqday Safiirka Soomaaliya ee Safaaradaha Sudan, Yugoslavia iyo India , waxa kale uu Safiir aan joogta aheyn ka kala ahaa wadamada Sri Lanka iyo Singapore.

Qaran- burburkii kadib , Intii u dhaxeysay 2000-2004 waxa uu kala shaqeeyay Madaxweynihii hore ee KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan arrimaha diblomaasiyadda iyo habmaamuuska.

Kahor howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ka soo shaqeeyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo uu ka noqday Siihaye agaasime.

Intii uu ku dhex jiray Hawlaha Wariyenimada, waxa uu nasiib u helay inuu munaasibado badan oo dadka somaliyeed qaali ku ah warar kasoo tebiyo, waxana Goobaha uu wararka kasoo tebinayey kamid ahaa Xilliyadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Aadan Cabdale Cabdale Cismaan inuu ahaa wariyihii Warka kasoo dirayey Booqashadii madaxweynuhu ku tegay Gubashadii Warshadda Sonkorta Ee Jowhar.

Sidoo kale waxa uu ahaa wariyihii warka kasoo dirayey markii xadhiga laga jarayey Dekedda Somaliland ugu weyn ee Berbera, waxana aad loola dhacay Hannaankii Hufnaa ee uu wararkaas u soo dirayey.

Marxuumka ayaa ahaa luqad yahan ku xeel-dheeraa ku hadalka luqadaha Afsoomaaliga, Carabiga , English-ka , Talyaaniga iyo Mandarin Chinese , waxa uu fahmayay sidoo kale luqadaha Spanish-ka , Faransiiska iyo Hindi .

Marxuum Danjire Maxamed Osman Cumar oo ifka kaga tagay 5 wiil iyo 2 Gabdhood, ayaa waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1936.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

 

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com