Muqdisho:Oct,06,2014(SDN/QJ)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Xukuumadda Xasan sheikh usoo bandhigtay Qorshe ay ugu dhisayso Dhismayaal qurux baddan oo ay Baarlamaanka Somalia uga dhisaan Xarunta ay Haatan ku shiraan.
Bandhiggan ka yimi dhinaca Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ku xidhan sida la sheegayo shuruudo lagaga soo horjeedo Horumarka Turkigu ka wado Magaalada Muqdisho iyo Gebi ahaanba dhulka Somalia, waxana Imaaraadku codsadeen in si ay u hirgeliso dhismahaas Baarlamaanka iyo kuwo kaleba loo baahan yahay in la hakiyo shaqada Turikigu Haatan wado.
Hoolkan ayaa shuruudda Dhiskiisa lagu xidhay waxaa ka mid ah inay Muqdisho Garoonka,Dekedda iyo Mashaariicda ay Turkiga wadaan la hakiyo lana ceydhiyo,lamana yaqaan arintan inay aqblayaan Dawladda Federaalku.
Imaaraadka-Carabta ayaa cadowtiinamadda uu Turkiga u qabo,wuxuu ku colaadinayaa Xisbiga Akhwaanul-Muslimiinta ee Madaxweynaha Turkiga Erdogan,iyagoo hore uga takhulay Xisbigii taladda Dalka Masar hayay ee Akhwaanul-Muslimiinta.
Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku guuleystay inay xilka Masar u dhiibaan General C/fitaax Al-Sisi oo 20-Balyan oo Doolar lagu siiyay inuu inqilaabo Madaxweynihii sida xaqa ahaa Shacabka Masar u doorteen ee Maxamed-Morsi.
Waxaa loogu baaqayaa Dawladda Federaalka inaanay dhagaysan dhibka Dawladda Imaraadka-Carabta ay ku doonayaan inay Turkiga Ku cadaadiyaan Muqdisho in laga ceydhiyo,waxaana la gudboon Xildhibaanadda inay il-gaar ah ku hayaan Imaaraadka-.Carabta oo la wada xasuusto Dagaalkii Isreal iyo Falastiin inay Magaaladda Gaza u soo direen 50-Jawaasiis ah oo laga dhigay inay yihiin Dhaqaatiir,balse markii dambe Warbaahinta Caalamka ay kashifeen,lana soo sawiray 50-Jaajuus ee kaarka beenta ah ee Dhakhaatiirta loo sameeyay.
Imaaraadka ayaa naqshadii oo sawiran qaabka ay Hoolka Baarlamaanka u dhisayaan u soo gudbiyay Dawladda Federaalka,waxaana laga sugayaa Dawladda inay marka hore aqbasho Turkiga oo ay cadow u arkaan Imaaraadka-Carabta in Muqdisho laga ceydhiyo,lamana yaqaan hadii laga diido inay hakinayaan Mashruucan ay u balan-qaadeen inay Hool-weyn u dhisayaan Xildhibaanadda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
