Garowe:Oct,06,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Somaliyeed Ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (gaas), ayaa waraysi uu siiyey kaga Hadlay Arrimaha Muranka ka taagaan Deeganada Bariga Sanaag iyo Koongurta Gobolka Sool oo maamulkiisu sheegto.
Mudane Gaas waxa uu ku adkaystay in Deegaanadaasi ay katirsan yihiin Dhulka Maamulkiisa ku Abtrisada, isla-markaana ay Somaliland si xoog ah kaga Haysato.
Isagoo ka hadlayey shirarka ka socda Garoowe oo ay wadaan odayaal kasoo jeeda gobolada Sool sidoo kalana uu weheliyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, ayuu sheegay in dadka Sool iyo Sanaag ay u fidiyeen gogol nabadeed taageero dhan walba ahna siin doonaan.
“Anigu waxaan ku baaqay gogol Nabadeed, Xaabsade iyo odayaal kale oo badana gogoshaas ayay u yimaadeen gogoshana way taalaa Aayahooda noloshooda midnimadooda & wada jirkooda ayay ka ga tashanayaan, Dawlada Puntland oo ay kamid yihiina waxay diyaar u u tahay taageero kasta oo dhanwalba ah inay ku taageerto dadkaasi inay Aayahooda ka tashadaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiwali Gaas.
Mar la waydiiyey Laascaanood & qorshaha Dawladiisa ayuu sheegay in Laascaanood kamid tahay dhulka Puntland cid walba oo joogtaana ay ku joogaan Afduub, “Laascaanood Waxay kamid tahay dhulka Puntland Dastuurka Puntland bayna ku qoran tahay cida joogtaana hada koley waxay ku joogtaa Afduub xoog ayaa lagu haystaa laakiin mabdi iyan anigu waxaan aaminsanahay inay katirsan tahay dhulka Puntland,” ayuu yidhi Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Gaas oo ayaa sheegay marka uu yimaado Cabdiwali Shiikh Axmed inay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo labada dhinac isku hayaan kuwaasoo ay ka mid yihiin khilaafka mamul u samaynta gobaladda dhexe e dalka iyo waliba arrimaha keenay in Puntland xidhiidhka u jarto Federaalka.
Madaxwayne Gaas ma aanu shaacin maalinta uu kusoo wajahan yahay Garowe hase yeeshee waxa uu cadeeyay oo kaliya inay hadda sugayaan Ra’iisul Wasaraha Somalia
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
