Jidda 07.Oct 2014 (SDN/QJ)- Maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ee (ICC), ayaa dalka Sucuudiga ka codsatay in ay u dalkooda qabtaan Madaxweyne ka mid ah hoggaamiyeyaasha waddamadda Muslimka oo dalka Sucuudiga u jooga gudashada waajibaadka Xajka.
Maxkamadda caalamiga ah ee diambiyada dagaalka,ayaa boqortooyada uu ku yaallo xaramka barakaysan ee sanad kasta ay caalamka Islaamka iyo guud ahaan bulshda Muslimiinta ahi ay u tagaan gudahsada wajibaadka Xajka ee Susuudiga ka codsatay in ay gacanka ka soo galiyaan isla markaana inta uu Sucuudiga u joogo gudashada Xajka gacanta ku soo dhigaan Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.
Maxakamada ICC, waxa ay ka dalbatay Boqrtooyada Saudi Arabia in ay xushmayso qaraarkii golaha amniga ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa sanadkii 1593-kii, ee dhigayay in si dhab ah oo dhamaystiran loola shaqeeyo Maxakamadda ICC-da.
Illaa iyo hada ma jirto wax jawaab ah oo ay Boqortooyada Saudi Arabia ka bixisay codsigan ka soo yeedhay maxkamada ICC. waxaana lagu soo waramayaa in safarka uu Madaxweynaha Sudan ku joogo Saudi Arabi, ee gudashada Xajku in ay ku weheliyaan masuuliyiin sarsare ee ka tirsan xukuumadiisa.
Maxakamadda ICC, ayaa shaacisay in Madaxweynaha Sudan, loo haysto danbiyo dagaal oo xasuuq sababay oo ka dhacay gobalka Daar-fuur, iyada oo maxkamadu soo saartay waaran lagu soo qabanayo Madaxweyne Omar Al-Bashiir.
Waxaa badiba ka cadhooday tallabada ay qaaday Maxkamdda ICC dalalka mushtamaca muslimiinta ee gudashada Xajka u jooga dalka Sucuudiga,waxaanay tallaabada Maxkamaddu qaaday u arkaan in ay tahay mid lagu faro galinayo cibaadadad ummadda Islaamka laakiin waxaa laga war sugayaa waxa ay ka yeesho Dawladda Sucuudigu.
Jidda SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
